Muqdisho(AGGM)Waxaa sii kordhaya tirada dadka qoxootiga Soomaaliyeed oo iska diiwaan gelinaya xafiisyada hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan UNHCR kuwaasi oo doonaya in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda.
Dadka Qaxootiga ah ee ku jira xerooyinka Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa bilaabay iney iska diiwaan geliyaan xafiiska hey’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan UNHCR si dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo.
Qaar ka mid ah dadkaasi qaxootiga ah ayaa Radio Muqdisho u sheegay in arintani ay ku dhiirigeliyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya, kuwaas oo uu ka mid ahaa Danjire Maxamed Cali Ameerico oo dhawaan booqday xerooyinka Dhadhaab waxeyna xuseen iney diyaar u yihiin in dalkooda ay ku laabtaan.
Xafiiska hey’ada UNHCR ee xerada Dhadhaab ayaa la arkayaa bololaal qof oo saf ugu jirta kuwaas oo doonaya in dib loogu celsho dalkooda.
Ugu dambeyntii Qaxootigan qaarkood doonayaan inay dib ugu laabtaan dalka Soomaaliya ayaa qaarkood yihiin kuwo aan waligood arag dhulka Soomaaliya iyo degaanada ay khaas ahaan ka soo jeedaan maadama ay ku dhasheen xeryaha qaxootiga dalka Kiiniya.
Isha ku hay allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com