Waxaa Fadeexad Weyn Ah In Motion Aan Heysan Sharciyad La Siiyo Sharciyad, Haddana Xukuumaddii La Eedeeyey La Yiraahdo Kama Hadli Kartiin. W/Q. Dr Dahir Nur Jama (Dr Truman)

0

Dr_-Truman5Waxaay soomaalidu tiraahdaa ” La Mood Noqonse Weydey” in baarlamaankii lagu sheegey iney matelayaan shacabka soomaaliyeed ay ku tumanayaan dastuurkii dalka u yaalay iyo sharuucdii kale waayo waxaa si cad oo bareer ah u cadeysteen ney u hoggaansaneyn dastuurka dalku leeyahay iyo xeer hoosaadka baarlamaanku leeyahay, waxaaba taas ka sii daran markii la diidey inuu baarlamaanka hor imaan karin Raysal wasaaraha xukuumadda federalka ee soomaaliya mudane Cabdi Faraax Shirdoon ( Saacid) waana madaxdii xukuumadda federalka ah ee laga keeney Motionka Sharci darrada ah in la yiri waxad tahay eedeysane aan hadli karin maalin cad. Arrintaan waa wax aad looga xumaado waana Fadeexad weyn iyo ceeb ku qormi doonto taariikhda soomaaliya waxaana ka imaan doona taariikh fool xun.

Su’aashu waxaay tahay sidee ku dhici kartaa in Raysal wasaaraha xukuumaddisa la soo eedeeyey ma hadli kartid sidee ku noqon kartaa wax la qaadan karo iska daa qof wax akhriya,qof wax soo bartey inuu sidaa ku fekero weliba qaar badan sheeganayaan iney yihiin aqoon yahano kuna dhaartay kitaabka ilahay iney daacadnimo ugu shaqeyn doonaan shacabka soomaaliyeed. sida la wada ogsaan yahay haddii qof la soo eedeeyo wuxuu xaq u leeyahay inuu ka hadlo eedeynta loo heysto waana caadi taas, marka laga reebo wax la yiraahdo” Extra Judiciary” waxaana ” Extra Judiciary” looga dhaqmaa meelaha aysan ka jirin nadaam dowladeed iyo sharci toona in qofka la iska dilo ama eedeeyo isla markaana uussan laheyn xaquuq uu isku difaaci karo.

Qof walbana wuxuu xaquuq sharciyan ah u leeyahay” legal Defence” inuu is difaaco,tusaale ” Natural Justice” it’s means, the principles and procedures that govern the adjudication of disputes between persons or organizations,chief among which are that the adjudication should be unbaised and given in good faith, each party should have equel access to the tribunal and be aware of arguments  and documents adduced by the other,the legal process of resolving a dispute. The entry of a decree by a court in respect to the parties in a case it, implies a hearing by a court after notice, of legal evidence in the factual issues in volved equivalent of a determinaion. Haddii aan arrintaan aan fasiro waxaa waaye Baarlamaanku wuxuu matalayaa hayeddii sharci dejinta waana inuu u hiiliyaa ku dhaqanka dastuurka xaqana u hiiliyaa, sidaa awgeed Baarlamaanka wuxuu taagan yahay kaalintii maxkamddii dastuuriga aheyd. In Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ahna sharciyaqaan sida aan maqlay inuu sidaa u dhaqmo waa fadexaad ” Scandal”  ceeb weynna u keeneysa baarlamaanka iyo guddoonka sare waxaana ku qosli doona dadka caadiga ah iskadaa sharciyaqaanada ee garanaya waxa uu yahay sharcigu marka ay timaadda” conflict law” or dispute between persons or organizations.

Waxaan rajeynayaa in guddoomiyaha baarlamaanka isla markaana yahay sharciyaqaan inuu wax ka bedelo habka dhaqanka iyo sida uu wax ku wada arrinta ku saabsan Motionka aan laheyn sharciyadda marka loo eego dastuurka iyo xeer hoosaadka baarlamaanka, iyadoo ay sidaa tahay,  in haddana la yiraahdo xukuumadda federalka ah lana soo eedeeyey ineysan xaquuq u laheyn iney ka hadasho eedeynta laga keenay.

Taas waxaay cadeyn u tahay inuusan waddanku laheyn sharci iyo kla dambeyn waxaayna jidka u sii fureysaa fowdadii iyo dhaqamadii foosha xumaa ee qabyaaladda, kala shakiga, kala fogaanshaha shacabka soomaliyeed waayo marka dastuurka iyo sharuucda dalka lagu xad gudbo si bareer ah welibana Heyadihi dasturiga ahaa kuna waajibtay iney ilaaliyaan dastuurka iyo sharuucda kale ee dalka u taalla.

Waa wax aad looga xumaado waxa hadda ka socda Baarlamaanka iyo Madaxtooyada soomaaliya, arrintaan waxaa indhaha ku haya shacabka soomaaliyeed iy caalamka oo dhan qaas ahaan waddamada daneeya arrimaha soomaaliya, iyo Jimciyadda Quruumaha Madoobey waana arrin keeni doonto fool xumo weyn laga shalaayo.

Sidaa awgeed waxaa la yiri baalayo ka hortag bay ledahay ee dabo la qabto ma lahan, in kooxo aan qurux badneyn oo laga soo kaciyey dhinaca Madaxweynaha kana mid ah Baarlamaanka soomaaliya si loogu adeegsado dano gaar ah isla markaana laga dhigo Baarlamaanka ayaa Motion ka keeney Xukuumadda Federalka ah, taas ma ahan wax dadka laga dhaadhacsiin karo waayo waa been cad oo aan sal iyo raad laheyn,isla markaana waxaa muuqata inuu madaxweynaha soomaaliya noqday Motion keena iyo Motion damiye taas oo ka dhigeysa inuu faraha kula jiro hawlihii ay laheyd heyadda sharci dejinta,isla markaana awalna uu faraha kula jirey shaqooyinkii ay laheyd laanta fulinta, waxaana meesha ka baxaysa awood qeybsigii ay kala lahaayeen  Heydaha dastuuriga ah ” separation of power,check and balance” waxaayna noo sheegeysaa inuu madaxweynuhu doonayo inuu asagu noqdo ninka awoodda oo dhan gacanta ugu jirto taas oo ah ku xad gudub bareer ah dastuurka dalku leeyahay iyo sharuucda kaleba.
 
W/Q. Dr Dahir Nur Jama ( Dr Truman)
 jama191@hotmail.co.uk

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com