War Deg Deg Ah: Xildhibaanadi Mooshinka Lagu Riday Xukuumadi R/wasaare Saacid Keenay Oo Ku Sii Qulqulaya Villa Soomaaliya.

0

Breaking-NewsMuqdisho (AGGM): Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanadi Mooshinka lagu riday Xukuumada R/wasaare Saacid ay ku sii qul qulayaan xafiiska Madaxweynaha si ay u soo qaataan baaqigi lacagaha maadaamada ay rideen Xukuumada.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in gudaha Villa Soomaaliya lagu arkayo Xildhibaano raxan raxan u socda oo  galaya Xafiiska Madaxweynaha si ay usoo qaataan baaqigi lacagaha maadaama ay dhankooda ka soo baxeen iyo Xildhibaano kale oo raxan raxan u socda kana soo baxaya Xafiiska Madaxweynaha iyagoo wata lacagihi loo balan qaaday.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya iyaguna inay jiraan dad ajaanib ah inay ku sugan yihiin Xarunta Villa Somalia oo doonaya inay la kulmaan Madaxweynaha iyo sii hayaha xilka R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Isku soo wada duuboo waxaa marag ma doonta ah in Xukuumadi R/wasaare Saacid ay riden Xildhibaano laaluush lacago ah ka qaatay Madaxweynaha iyo urur Diimeedka Damu Jadiid, balse waxaa isweeydiin mudan nin laaluush uu qaatay Xukuumad dhan ku riday Masiir ummad dhan leedahay masii matali doonaan?

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com