War Deg Deg Ah: Tirinta Codadka Oo Socota Iyo Shirdoon Oo Hogaaminaya

0

baarlamaanka11Muqdisho(AGGM) Waxaa hadda Xoghanadda Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya si toos ah u tirinayaan codadka Xildhibaanada iyo maanta xildhibaan kasta uu si toos ah u dhiibtey codkiisa,waxaana maanta tahay cod bixintii lagu kala saari laaha raisalwasaaraha iyo Madaxweynaha oo khilaaf ba.ani ka dhaxeyey.

Ilaa hadda waxaa la tiriyey tiro ka badan 70 xildhibaan,waxaana tiradada codadka hogaaminaya xildhibaanada taageersan Raisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon,waxaana la sheegayaa in la rajaynayo in xaaladu noqoto sida uu damacsan yahay Raisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Xildhibaano badan oo taageersanaa Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay mareen Dhinaca Raisalwasaaraha,waxaana la sheegay in markii mooshinku bilaabmey ay shaaciyeen inuu khaldan yahay Madaxweynuhu isla markaasna uu dastuurka meel uga dhacay.

Ugu dambeyntii daqiiqado kooban ka dib marka ay soo dhamaato cod bixintu ayaa la saadalinayaa in lagu dhawaaqo natiijadda iyadoo ay hadda si toos ah socot bixintu.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com