Muqdisho(AGGM) Dooda mooshinka baarlamaanka ayaa soo idlaatay, iyadoo mudanayaasha baarlamaanka ay iminka bilaabeen codeynta mooshinka la xiriira kalsooni kala laabashada Xukuumadda R/wasaare Saacid.
Kulankan oo uu shir guddoominayo Guddoomiyaha baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa hadda la gudo galay cideynta mooshinka, iyadoo wixii ka soo baxa mooshinka aan idin soo gudbin doono.
Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa lagu wadaa in maanta lagu kala baxo isla markaasna ay xildhibaanadu mooshin u qaadana Xukumadda Saacid Faarax, iyadoo uu Raisalwasaare Saacid shaaciyey inaysan arrintaasi ahayn mid sax isla markaasna la marin habaabiyey oo si qaldan loo leexiye,waxaana uu sheegay in xukumadiisu xaq u leedahay inay isdifaacdo balse ay diideen,waxaana uu sheegay in wixii ka soo baxa aysan isaga khuseyn arrintaasi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com