Fadeexad: Xasan Sheekh Oo Doonaya In Uu Dib U Soo Cesho Wasiiradi Xukuumadi R/wasaare Saacid Iyo Baarlamaanki Maanta Riday Xukuumada Oo Doonaya Inay Cod Kalsooni Ah Siiyaan.

0

fadeexad1Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan ka dib Mooshinki maanta kalsoonida lagala laabtay Xukuumadi R/wasaare Saacid in Golihii Wasiirada Xukuumadaasi in uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo inay dib uga soo dhex muuqdaan Xukuumada cusub ee uu soo dhisi doono R/wasaaraha Xilka kala wareegaya R/wasaare Saacid.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa marki la soo magacaabo R/wasaaraha Cusub lagu soo dari doono qaar badan oo ka mid ahaa Xukuumada R/wasaare Saacid islamarkaana la horgeeyn doono Baarlamaanka maanta kala diray Xukuumadi ay ka tirsanaayeen ee uu hogaaminayay R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale jira warar sheegaya 6 bilood ka dib in isagana  mooshin laga soo gudbin doono Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isagana lagu eedeenayo inuu gudan waayay Xilkiisa, si loogu badalo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka hadda jira balse aaminsan afkaarta urur diimeedka Damu Jadiid ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Isku soo wada duuboo doodaha caawa ugu badan amaba ugu adag ee dhex mareeysa dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka ayaa waxa ay tahay, Wasiiradi Xukuumadi manata la riday ay Xildhibaanadana ku soo eedeeyeen inay waajibaadkeeda shaqo gudan weeyday haddana dib uga soo dhex muuqdaan Xukuumada cusub ee la soo dhisayo islamarkaana Xildhibaanadi eedeeyay Xukuumadaas haddana ay doonayaan inay cod kalsooni ah siiyaan, arintaan ayaa dadka doodayay waxa ay ku tilmaameen mid ihaano ku ah ummada Soomaaliyeed iyo kuwa sheeganaya magaca “Xildhibaanimo”

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com