Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Saaka Guda Galay Ka Doodista Mooshinka Ka Dhanka Ah Xukuumada.

0

baarlamaanka11Muqdisho (AGGM): Xildhibaannada baarlamaanka Soomalaiya ayaa maanta oo Axad ah si rasmi ah u guda-gallaya ka dooodista mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kadib markii maalintii shalay baarlamaanka laga hor aqriyay magacyada 168 xildhibaan oo mooshinka saxiixday.

Xildhibaanada ayaa maanta oo Axad ah guda geli doona dooda mooshinka laga keenay Xukuumada, waxaana shalay is qoray ilaa 83-xildhibaan oo labada dhinac isugu jira waa Xildhibaanada mooshinka ka keenay Ra’iisul Wasaaraha iyo Xildhibaanada difaacaya.

Pro Max’ed Cismaan Jawaari ayaa maalintii shalay ka dalbaday xildhibaannada in ay si degan uga gudbaan dooda mooshinka, iyaga oo ilaalinaya ayuu yiri xilka culus oo ay u qaadeen shacabka.

Nabad-galyada xarunta gollaha shacabka ayaa mar kale saaka la adkeeyay, iyadoo gabbi ahaanba la xiray wadada hor marta xarunta ilaa is-goosyada dab-ka, halkaasoo lagu arkayo gaadiidka dagaalka.

xildhibaanada ayaa ku qul qulayay xarunta golaha shacabka, si ay u dhowraan waqtiga, isla markaana dooda ay noqoto mid saacado socota, waxaana isha lagu hayaa dooda maanta dhex mari doonta xildhibaanada oo noqoneysa tii ugu adkeyd.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa u gudbay Baarlamaanka oo laga sugayo xalka ugu dambeeya inuu ka gaaro.

Xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka laga keenay xukuumada Saacid ayaa ku doodaya in uusan aheyn mooshin sharci ah, madaama xiligan aysan jirin sabab xukuumada looga keeno dood ku aadan kalsooni kala noqosho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com