Xildhibaanada Soomaaliya “Xukuumada Waan Eedeeyn Karnaa Balse Xukuumadu Eedeeynta Xildhibaanada Jawaab Kama Bixin Karto.

0

kulankii-baarlamaanka-4Waxaa dadka badankii la yaab ku noqotay war xagee ayay Faataxadu iska qabsan la’adahay xagee Caalamka lagu arkay Xildhibaano Baarlamaan oo Xukuumada eedeenaya haddana aan ogoleeyn in eedeeynta ay sheegeen looga jawaabo?

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay caalamka ku soo biriyeen qidad cusub oo aan horey loogu arag Xildhibaanada aduunka ka jira amaba Baarlamaanada aduunka taa oo ah inay Xildhibaanadu Eedeeyn Karaan Xukuumada Balse Xukuumadu aysan ka jawaabin karin eedeeynta Xildhibaanada u soo jeediyeen.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay yihiin Xildhibaanada dunida ugu tayo liita, Gudoomiyaha Baarlamaankuna maba ahan nin leh aqoonta lagu sheegayo leh sababtoo ah  Xagee Caalamka lagu arkay Xukuumada ay Xildhibaanadu eedeenayaan marki Xukuumadu damacdayna inay jawaab ka bixiso eedeeynta loo jeediyayna Xildhinaadi ay oranayaan Xukuumada baarlamaanka ma hor imaan karto kamana jawaabi karto eedeeynta aanu u jeedinay?

Waxaa haddaba isweeydiin mudan Xildhibaano miyaan ku tilmaami karnaa kuwa hab dhaqankoodu sidan yahay? soo arinku ma ahan Xildhibaanimooy Xaal Qaado?

Isku soo wada duuboo waxaan sugno waa beri iyo kooxda Xildhibaanimooy Xaal Qaado iyo waxa ay la soo shir tagaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com