Sir Fakatay: Shariif Sakiin Oo Qaatay Hal Milyan Oo Doolar Iyo Wasiirka Maaliyada Haddii Xuukumada R/wasaare Saacid Ka Baxdo Meesha.

0

xog1Muqdisho (AGGM): Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiyihi hore ee Baarlamaanka Shariif Sakiin uu heshiis hoose la galay madaxda Damu Jadiid heshiiskaas uuna ka qaatay Aduun dhan Hal Milyan oo Doolar iyo Wasiirka Maaliyada, waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in heshiiska uu qeeyb ka yahay in gudoomiyaha Baarlamaanka loo wado nin ay ilmo adeer yihiin Shariif Sakiin oo hay’adaha samafalka ka shaqeeya, Gudoomiye Jawaarina uu booska baneen doono 6 bilood ka dib markii R/wasaare Saacid baneeyo Xafiiska.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in heshiiska labada dhinac ay kala saxiixdeen Shariif Sakiin iyo urur diimeedka Damu Jadiid oo uu matalayay Faarax Topaz, isla goobta heshiisku ka dhacay ayaa waxaa Shariif Sakiin loo gacan gashay 1 Milyan oo doolar…

Isku soo wada duubo waxaan dhoowrnaaba waa haddii R/wasaare Saacid Baneeyo xafiiska iyo lix bilood ka dib Prof Jawaari halka uu maro.

Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com