Muqdisho (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay qaar kamid ah dhalinyarada ku nool Magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa goobta ku sugnaa, Wasiirada kala ah Wasiirka Warfaafinta C/laahi Ciilmooge Xersi, Wasiirka Kheyraadka dalka, Wasiirka Ganacsiga, kuwaasi oo goobjoog ahaa kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo dhalinyarada.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaba-gabada munaasabada hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in Dowladiisa ay ahmiyad weyn siisay dhalinyarada Soomaaliyeed, maadaama dal waliba dadkiisa ay hogaan uyihiin dhalinyarada.
Wuxuu kaloo sheegay in dalka waxa khasaayo sida uu yiri ay yihiin dhalinyaro la qalday oo la marin habaabiyay, kuwaasi oo uu ula jeedo dhalinyarada ku jira Al-Shabaab.
Mr Saacid, wuxuu xusay in mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin Madaxdii berito dalka maamuli laheyd, sidaasi awgeedna loo baahan yahay in dhalinyarada ay ku dadaalaan horumarada dalka ka jira.
Kulanka maanta uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaya xilli maanta baarlamaanka uu ka doodayo mooshinka laga soo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha dalka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com