Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Guul-darro Ku Billaabatay Tartanka CECAFA.

0

Somalia-teamNiarobi (AGGM): Ciyaar ka mid ahayd tartanka xulalka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo galabta dhex martay dalalka Soomaaliya iyo Burundi ayaa xulka kubbadda cagta Soomaaliya looga adkaaday 2-0.

Tartanka waxaa marti-gelinaysa Kenya, waxayna ciyaartii galabta ka dhacday garoon ku yaalla magaalada Machakos oo 64 km u jirta Nairobi.

Macallinka xulka qaranka Soomaaliya Maxamed Cabdulle Farayare ayaa markii ay ciyaarta dhammaatay sheegay inay ciyaartoyda Soomaaliya si wanaagsan u ciyaareen, wuxuuna guul-darrada u sababeeyay garoonka iyo jewiga oo xumaa.

Macallin Maxamed Cabdulle Farayare ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inuu xulka Soomaaliya guul-darrada ka soo kaban doono kulamada xiga oo lagu qaban doono garoonka Nyanya ee magaalada Nairobi oo Soomaali badan ay ku nool yihiin.

Kulanka xiga waxay Soomaaliya la ciyaari doontaa xulka Tanzania Axadda soo socota (1st December), iyadoo kulanka xigana uu afarta December la yeelan doono xulka Zambia oo ay ku wada jiraan Group B.

Tartanka xulalka qaramada Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA Cup ayaa socon doona ilaa December 12.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com