Top News Daawo Sawirada: Maleeshiyada Falaagada Al Shabaab Oo Laga Qabsaday Raashin Islamarkaana Lagu Wareejiyay Odoyaasha Dhaqanka.

0

xal2Baledweyne (AGGM): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay maanta dad shacab ah ku wareejiyeen raashin ay sheegeen in ay kasoo furteen falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab oo ay kula dagaalameen deegaanada gobalkaasi.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Raashinkaan oo isugu jiray noocyo kala duwan ayaa waxaa la sheegay in  markiisi horeba falaagada Al Shabaab xoog uga qaateen shacabka ayaa gudoomiyaha gobalka Hiiraan oo ay wehlinayaan saraakiisha ciidanka Jabuuti waxa ay ku wareejiyeen odayaasha dhaqanka deegaankaasi.

Falaagada Al Shabaab ayaa waxaa Deegaanada ceel cali, Boq goosaar iyo Raangaabo oo lagala wareegay ayaa waxaa looga soo qabsaday raashinkaan oo ay falaagada Al Shabaab horey uga dhaceen dadka deegaanadaasi.

Isku soo wada duuboo waxaa ugu dambeeynti Sidoo Guddomiyaha gobalka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo uu sheegay in ilaa 600 boqol oo neef Ari ah oo ay horey Falaagada Al Shabaab dadka si qasab ah ay uga aruursadeen iyagu ku magacaabay inay tahay sako dib ay ciidamada Dowladda ugu soo celiyeen gacanta dadkii lahaa xoolahaasi.

xal5 xal3 xal2 xal1 xal4 xal xal7 xal6

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com