Madaxweyne Xasan Sheekh”23 Sano Ka Dib Madaxweynihi Ugu Nasiibka Badnaa Uguna Nasiibka Darnaa”.

0

xasankaaaAfeef: Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg” anoo taa ulla jeeda qoraalkan aan qoray oo ka hadlayaa xaqiiq badan, macnaheeyguna ma uu aha in Madaxweyne Xasan Sheekh aan meel uga dhaco balse Runtaa Sidaa Ah..

Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa noqotay 23 sano ka dib Madaxweynihii ugu nasiibka badnaa ee dalkeena soo maro waxaana daliil u ah arrimahan soo socda.

Madaxweynihi Ugu Nasiibka Badnaa.

1- Doorashadi Baarlamaanku kuu doortay Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya oo ummada Soomaaliyeed iyo dowalddaha caalamkaba ku noqotay lama filaan, islamarkaana aad noqotay Madaxweynihi ugu horeeyay 23 sano ka dib aan hogaaminayn Dowlad Ku Meel Gaar ah.

2- Indhihi dowladdaha Aduunka oo mar qura u soo wada jeestay inay bar bar istaagaan ummada Soomaaliyeed iyadoo Dowlad walbaa oo aad booqatana laguu dhigay Roog Cas, laguuna soo dhaweeyo si aan Madaxdi kaa horeeysay loo soo dhaween.

3- Dowalddaha Caalamka oo dhaqaalihi abid ugu badanaa ugu deeqay Soomaaliya, wax badana ka duwaneed sidii dowladdihi kaa horeeyay loo siin jirey deeqaha amaba loola dhaqmi jirey.

4- Dowladdan hada jirtaa Madaxdeeda oo dadka Soomaaliyeed ulla muuqday Mas’uuliyiin xilkas ah oo kana fog, Kooxeeysi, Khilaaf aan waafaqsanen Dastuurka iyo Qabyaalad.

5- Dalka iyo Dibeddaba shacabka Soomaaliyeed waxeey kuu garaaceen durbaanka, waxeyna yiraahdeen Madaxweyne Xasan Sheekh waa bad baadiyihi Qaranka oo 23 sano ayuu dhex taagnaa foolxumada iyo rafaadka ummada Soomaaliyeed ku dhacayay.

Madaxweynihi Ugu Nasiibka Darnaa.

Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh “Lagu Mood Noqonse Weeyday” Madaxweynihi ummada Soomaaliyeed ay sugeysay,run ahaantiina waxaad noqotay Madaxweyne kooxo gaar ah, waxaadna dalki oo dhan galisay qal qal siyaasadeed iyo mid dagaalo sokeeye, mudo yar gudaheedna waxaad indhihi caalamka ka sii jeedisay dalka Soomaaliya, taa oo muujineysa inaad tahay Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxweynihii ugu Nasiibka Darnaa Ee 23 Sano Ka Dib Soo Mara Dalkeena waxaana daliil u ah arrimahan soo socda.

1- Mudane Madaxweyne waxad Dagaalo Sokeeye ka hurisay gobolada Jubbooyinka oo dadki intaad xabad isugu dhiibtay ayaad tiri islaaya, islamarkaana waxaad la safatay kuwii dadka leeynayay, waxaadna siisay Aqoosi inay waxay doonaan sameeyaan ah, waxaadna la gashay heshiis Jabhad sidii inay yihiin dowladda kale.

2- Mudane Madaxweyne waxaa dagaalo sokeeye ka holcayeen Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose adna waxaad iskaga jirtay iska faajo faajood iyo furitaanka Ciyaaro kubada cagta ah.

3- Mudane Madaxweyne Gudoomiyihi Bangiga Dhexe ee aad adigu soo magacoowday ayaa waxaa u hanjabay shaqaalihi Xafiiskaaga Villa Soomaaliya iyagoo ugu hanjabaya saxiix warqadahan musuq maasuqa ah oo aan donayno inaan lacago ku dhunsano, adna waxaad iska faajo faajooneysay magaalada Kismaayo.

4- Mudane Madaxweyne dhamaan ummada Soomaaliyeed oo maanta aaminsan in talada dalka aysana digu gacntaada ku jirin ee ay ku jirto xisbigaaga Damu Jadiid.

5-Mudane Madaxweyne waxaad Madaxdi dalka u horseeday khilaaf Dastuuri ah, islamarkaana waxaad ka dhex biloowday golihi shacabka (Baarlamaanka) Musuq Maasuq iyo laaluush, waxaadna Xildhibaanadi Baarlamaanka u kala jabisay kuwa taageeraya Dastuurka iyo Sharciga iyo kuwo taageeraya danaha urur Diimeedkaaga Damu Jadiid.

6- Mudane Madaxweyne taladii dalka ayaa faramaroojisateen adiga iyo urur Diimeedka Damu Jadiid, xataa Xukuumadi ayaad howlaheedi shaqo u diiden inay qabsato cawaaqib xumada ka dhalatayna waad aragtaa oo maanta cidi kaaga sheekeen meeyso.

7- Mudane Madaxweyne adigoo ah Madaxweyne Qaran baad waxaad door biday inaad noqoto Madaxweye Urur Diimeed Damu Jadiid, waxaadna damacsan tihiin inaad talada dalka la wareegtaan, adinkoo keensanaya R/wasaare Damu Jadiid ah iyo Raiisul Baarlamaan Damu Jadiid ah oo ah qorshaha wejiga labaad, haddii aad qorshaha R/wasaaraha ee ah wejiga koowaad aad ku guuleeystaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaad fashayba fashaye waxaan kugula talinayaa arrimahan soo socda.

1- Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh adoo eegaya sida xurmada leh kuna dheehan Soomaalinimada ee ay kuu doorteen Baarlamaanka, kuuna taageereen Shacabka Soomaaliyeed bilaa caleeyk dalka iyo dadkaba bad baadi waxaa oo jooji musuq maasuqa hareeyay Xafiiskaaga waxna ka qabo shaqsiyaadka urur diimeedkaaga ee ay dowladdu ka shaqeeyn weeysay, haddii aadan waxba ka qabana ogoow in dalka iyo dadkuba ku sii socdaan meel halis ah oo aysan weligood dambe ka soo bixi doonin.

2- Mudane Madaxweyne haddii aadan bad baadin karin, dhoowri karina sida xurmada leh kuna dheehan Soomaalinimada ee ay kuu doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka, kuuna taageereen Shacabka Soomaaliyeed, bilaa caleeyk Mudane Madaxweyne Iscasil si loo bad baadiyo dalka iyo dadka,mana aad hogaamin kartid dalka Soomaaliya xaqiiqdina waad ku fashilantay maadaama lataliyeyaashaadu ahaayeen Xibigaaga Damu Jadiid waxay kuu qodeen godkii aad ku dhici lahayd.

Gabo gabo, Waxaa ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Aqoonyahanada, Culumaa’udiinka ururrada Bulshada ugu baaqayaa ugu inay sida ugu dhaqsiyaha badan gacmaha isu qabsadaan sidii ay bad baadin lahaayeen dalkooda iyo dadkoodaba, waxaan sidoo kale Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ugu baaqayaa inay u istaagaan sidii ay ugu shaqeeyn lahaayeen unna difaaci lahaayeen Sharciga, laaluush iyo shilimno la qaato waa ay dhamaanayaan balse Magacaagu ma dhamaanayo lamana hilmaamayo, maanta waxaad heeysataan labada baal midkood inaad ku qortaan baalka dahabka ah iyo baalka mugdiga ah.

Wabilaahi Towfiiq

Xuseen Cali Tifoow
Muqdisho, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com