Xog Dhab Ah: Dawladdaha Deriska Ah & Beesha Calamaka Oo Ugu Baaqay Inuu Iscasilo Madaxweyne Xasan Shiikh

0

xasankaaaMuqdisho(AGGM) Wararka ku dhaw dhaw xafiiska Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacinaya in saacadihii la soo dhaafay Madaxweynaha dawlada Soomaaliya ay cadaadis baahsan uga imaanayeen wadamada deriska ah ee saameynta xoogan ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Wadamada oo kala ah Itoobiya,Kiiniya & Uganda ayaa Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqay inuu xilka ka dego maadamada uu ka soo bixi waayey hawlihii laga sugeyey ee ahaa inuu dalka soomaaliya nabad iyo hanaan dawladnimo ku soo dabaalo,waxaana la sheegay inay ka codsadeen inuu baneeyo xilka si xildhibaanada dawlada federaalka ahi u doortaan masuul hanan kara shacabka soomaaliyeed.

Madaxda dawladahan ayaa la sheegay inay xalay khadka telefoonka si wada jir ah ugala soo xirireen Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya isla markaasna ay ka codsadeen inuu xilka ka dego maadama ay dawladiisu u eg tahay mid aan ka soconeyn khilaaf xoogan oo baryahan ka dhex aloosan isaga iyo raisalwasaarihiisa.

Sida ilo ku dhaw dhaw Xafiiska Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya warbaahinta Allgalgaduud u xaqiijiyeen waxay sheegeen inuu madaxweynuhu ku adkeystey inuu xafiiska sii joogo inta waqtigiisu dhamaanayo ama golaha shacabku ay cod u qaadayaan,waxaana la sheegay inay ku kala tageen caro iyo isfahan darro isaga iyo madaxdii la soo xirirtey.

Sidoo kale waxaa la sheegay in xubnihii beesha caalamka ee shalay kulanka la yeeshay Madaxweyne Xasan Shiikh inay ka codsadeen inuu xilka ka dego isla markaasna uu tanaasulo si dalka soomaaliya loo badbaadiyo,waxaana la sheegay inuu iyagana arriintaasi ka diiday.

Ugu dambeyntii xubnahan beesha caalamka ka socda ee codsaday inuu Iscasilo Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la sheegay inay tusaale u soo qaateen dhibaatada horta leh ee dalka ka jirta,waxaana ay tusaale u soo qaateen degaano shabaab dib u qabsadeen iyo Degaano ay dib uga qarxeen dagaalo sokeeye oo dhiig badani ku daatey. Lama oga sida uu yeeli doono Madaxweyne Xasan Shiikh.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com