Uhuru Kenyatta Oo Godkiisa Biyo Ugu Galeen,Wuxuu Sameyana Garan La,a

0

Uhuru-KenyattaNairobi(AGGM)Maxkamada Caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ICC ayaa sheegtay in Madaxweynaha Kenya laga doonayo inuu joogo inta ay socdaan fadhiyadu, iyadoona la fasixi doono hadba xaalada markaasi taagan. Garsoorayaasha ayaa horey u go’aamiyay in Mr. Kenyatta uu hortagayo maxkamada xiliyo kooban sida furitaanka, dhageysiga markhaatiyaasha muhiimka iyo ku dhawaaqida xukunka.

February 2014 ayaa lagu wadaa inay furmato maxkamadeynta oo marar hore dib u dhacday.Kenyatta ayaa loo haystaa danbiyo dagaal inuu galay kana danbeeyay rabshado ka dhacay 2007 Kenya taasi oo ay ku dhinteen in ka badan kun qof.

‘’Waxa la eegi doonaa codsiyada mustaqbalka uu soo gudbin doono oo ku aadan in laga cafiyo imaatinka maxkamada qaybo ka mida iyadoo la eegayo xaalad weliba gaarkeed” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ICC.

Kooxda difaaceysa Uhuru Kenyatta ayaa ku doodaya in tagitaanka Maxkamada ay ka hor istaageyso Madaxweynaha maamulida dalka.Hogaamiyasha Afrika aya bishii tagtay fadhi ay ku yeesheen Addis ku sheegay ICC mid bartilmaameedsata keliya Qaarada Afrika, waxana laga diiday bishan horaanteedi codsi ay UN-ka u gudbiyeen in dib loo dhigo talada intuu hayo maxkamadaynta Uhuru.

Ugu dambeyntii madaxweyne Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa labaduba beeniyay eedaymaha loo soo jeedshay.Mr. Kenyatta ayaa noqon doona madaxweynihii ugu horeeyay oo isaga oo xafiiska jooga taga maxkamada danbiyada caalamiga ah ee ICC..

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com