Somaliland:“Dastuurka Iyo Xeerarka Dalka wixii aan ku Jirin ee Dalkeenna ku siyaado ah aynu ka Feejignaano”

0

wasiirka-ciyaaraha-2Hargeysa(AGGM)Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa ka dayriyey xaaladda ay ku jiraan dhalinyaradda gobollada barriga ee Somaliland.

Wasiirka dhalinyarada, oo shalay ka hadlayay Munaasibad loo sameeyay 70 dhalinyaro ah oo ku guuleystay Maal-galino ganacsi oo ay bixisay dalladda dhalinyarada ee SONYO ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhalinyarada gobollada kale ay taageeraan dhalinyarada gobollada barriga ee dalka.

Wasiir Raygal, oo arrimahaa ka hadlayay waxa uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa Dhalinyarada dallada SONYO iyo wasiirka shaqada iyo bulshada, sida aad u horumariseen ee aad u laban laabteen Togdheer, dhalinyarooy caddaalada, wax-wada qabsiga, isu soo dhawaynta iyo walaaltinimada iyo caqliga intaba idinka ayaa la idinka doonayaa. Gobollada barigu aad bay u dulman yihiin oo Tabcaan u yihiin, SONYO way tageen oo way soo arkeen”

Wasiirku waxa uu sheegay in aqoontii iyo horumarkiiba ay wax ka dhiman yihiin “Xaggii aqoonta ayay wax ka dhiman yihiin, xagga horumarka ayay wax ka dhiman yihiin, xagga tababarrada ayay ka dhiman yihiin, wax badan ayaan gaadhin, markaa waa inaad caawisaan oo aad gacan qabataan, sidaas ayaa wada-jirkuna ku jiraa” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal.

Cali Siciid Raygal, sidoo kale waxa uu dhalinyarada reer Somaliland kula dardaarmay ilaalinta iyo xoojinta nabadgelyada dalka iyo dhawrista qaanuunka iyo dastuurka Somaliland, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan idinkula dardaarmayaa, Quruxda iyo wanaaga, lacagta iyo shaqada iyo horumarka, dhammaan waxay ku jiraan Amniga dalka, haddii nabadgelyo iyo ammaan la waayo Hay’addina lacag ku siin mayso, shirkad ganacsina shaqayn mayso. Iska dhaaf lacag lagu siiyee masaajidada ayaa laga baxayaa oo aanay ciddina ku tukanayn haddii ammni la waayo.

Waxaan idin leeyahay dastuurka qaranka iyo xeerarka dalka wixii aan ku jirin ee dalkeena ku siyaada ah aynu ka feejignaano. Dhalinyarooy mustaqbalka dalku waa idinka, waa idinka kuwa dalka berri ka maalin u hadhayaa, ee xilka qabana, ee madaxweyne ka noqonaya, wasiirro iyo gole baarlamaan ka noqonayaa waa idinka. Cadawga Somaliland wuu sii batay, maalin kasta oo aynu horumar sii gaadhno wuu sii badanayaa, maalin kasta oo wufuud badan oo caalamka ahi wuu sii badanayaa, maalinta la yidhaahdo Somaliland intaas oo dowladood ayaa wax u soo wada wuu sii badanayaa, maalin kasta oo jiritaanka iyo dawladnimada Somaliland sii adkaataba cadawgeenii wuu sii badanayaa.
Dhalinyarooy waxaan idinkula dardaarmayaa in aynu gacmaha is qabsanno. Dhalinyaroow dalka idinka ayaa u ciidan ah, idinka ayaa u milatari ah, idinka ayaa u boolis iyo nabad-sugidba u ah, dhalinyaroow dalkeenna yaan dhinaciina looga soo dhicin annagana dhinacayaga looga soo dhici maayee.”

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com