Dowladda Ingiriiska Oo Muwaadiniintooda Uga Digay Inay U Socdaalaan Soomaaliya..

0

uk flagLondon (AGGM): Dawlada Britain ayaa ku celisay digniiin ay u jeedisay muwaadiniintooda oo ay uga digtay in ay u socdaalaan dalka Soomaaliya oo Somalilandna ay ku jirto.

Wasaarada arrimaha dibedda ee Britain ayaa qoraalkan ay soo saartay sidoo kale ugu baaqdayi n muwaadiniintooda ka hawlgala Somaliland ay deg deg uga baxaan ama u digtoonaadaan.

“Waxaanu talo ahaan ugu soo jeedineynaa in aan Soomaaliya oo Somalilandna ay ku jirto aan loo socdaalin. Gidi muwaadiniinta Britain ee ku sugan Soomaaliya ha ka baxeen dalkaasi. waxa jira suurtogalnimo khatar ka timaada argegixisada oo Afduubna ka mid yahay guud ahaan Soomaaliya oo Somalilandna ay ku jirto”ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay Britain.

Warkan waxa kale oo lagu sheegay in weeraradu ay ka dhici karaan goobaha dadku ku badan yahay ama madaxdu isugu timaado.

Wasaarada arrimaha dibeddu waxa ay aaminsan tahay in argegixisadu ay ku hawlan tahan had iyo gooraale qorsheynta weeraro ka dhan ah Somaliland.

Ma aha markii u horeysay ee dawlada Britain ay soo saarto digniinta noocan oo kale ah iyada oo aan faahfaahin ka bixin weerarada ay saadaalinayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com