Dalka Serbia oo kusoo biiray Ciidamadda la dagaalanka Burcad badeeda

0

DJABUTI (AGGM):Wadanka Soomaaliya Xeebihiisa ayaa waxaa ku sugan Tiro Maraakiib ah oo leeyihiin Ciidamadda NATO kuwaasi oo la dagaalama Kooxaha Burcad badeda somalida oo sanadihii u danbeeyay awoodoodu sii yaraanaysay.

Wadanka Serbia ayaa kusoo biiray Ciidamadda la dagaalanka Burcad badeeda waxaana dalka Jamhuuriyada Jabuti gaaray 12 guuto oo leeyihiin dowladda Serbia kuwaasoo ku biiraya Ciidanka la dagaalanka Burcad badeeda.

Taliyaha ciidamada dowlada Serbia Ljubisa Dikovic ayaa maalintii shalay sheegay in soo sagootiyeen ciidamada oo ku sugnaa xero ciidan oo ku taala deegaanka Panveco, kuwaasi oo marka hore qorshaha uu yahay inay ka tagaan magaalada Istanbul kadibna ay usii gudbaan dalka Jabuuti,iyagoo howlgalka la dagaalanka burcad badeeda ka bilaabi doona xeebaha gacanka Cadan.

Mr Dikovic ayaa sheegay in muhiimada ay tahay in midowga Yurub ay ku biiraan ciidamada dowlada Serbia, iyagoo sameynayo weeraro ka dhan ah burcad badeeda, isagoo dhanka kale cadeeyay in ciidamadaasi ay qaateen tababar dheeraad ah.

Xaflad lagu sagootinayay ciidamadaasi ayaa waxaa hadal ka jeediyay hogaamiyaha ciidamada loosoo xirayo xeebaha Soomaaliya Ivan Tanaskovic, isagoo u mahad celiyay isaga iyo asxaabtiisaba dowlada Serbia sheegayna inay waajibkooda si wanaagsan u gudan doonaan.

Ciidamadaasi ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo tababar in muddo ah qaatay, kuwaasi oo lasoo xulay, waxaana tababarka dowlada Serbia ka taageeray dowladaha Greece iyo Faransa.

Ciidamada ayaa ku biiraya howlgalka loogu magac daray Atlanta ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya, kuwaasi oo kooxaha burcad ah ka difaaca maraakiibka shixnadaha gargaarka wada iyo maraakiibka isaga kala goosha xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com