Daawo Sawirada: Wafdi Ka Socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Oo Ka Qeybgalaya Shir Ka Soconaya Wadanka China.

0

DSC02092Beijing  (AGGM): Waxaa Magaalada Beijing ee Caasimadda wadanka China ka soconaya maalintii seddexaad shirka labaad ee iskaashiga wadamada carabta iyo China (China-Arab States Cooperation Forum “CASCF”) , kaasoo ay ka qeybgalayaan 60 xubnood oo kala matalaya wadamada carabta, iyadoo dowladda Soomaaliya ay u fadhiyaan kulanka Wakiilo ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga .

Shirkani oo uu barbar socdo booqashooyin xubnaha ka qeybgalaya loo geynayo goobo la dalxiis tago ,matxafyada qaranka, magaalooyin fog fog , goobo waxbarasho, xarunta shabakadda Internet-ka China iyo xarumo kale oo muhiim ah , ayaa waxaa ka mid ah goobaha loo dalxiis geyn doono Magaalada quruxda badan ee Tianjin oo ay ku tagi doonaan tareen xowli ku socda , halka magaaada kale ee lagu magacaabo Chongqing ay ugu socdaali doonaan diyaarad, waxaana mudada ay magaalooyinkaasi booqanayaan loo soo bandhigayaa qaab dhismeedka magaalooyinka iyo dekadaha .

Agaasime kuxigeenka Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha iyo iskaashiga Caalamiga Mustafa adam dagal iyo Ali Abdi Hoshow oo ah Madaxa Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda ayaa waxa ay jeedinayeen kulamadii is xig xigay ee ku qabsoomayay seddexdii cisho ee la soo gudbay dhismaha Wasaaradda arrimaha dibadda China iyo Hotelada kala ah Crowne Plaza iyo St.Regis  talooyin ku aadan horumarinta Xiriirka Soomaaliya iyo China.

Shirkani , ayaa waxa uu gogol xaar u yahay shir ay yeelan doonaan Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada Carabta iyo China , kaasoo uu xigi doono shir madaxda wadamadaasi ay isugu imaan doonaan sida qorshuhu yahay .

DSC02157 DSC02092 DSC02065 DSC02061 DSC02060 DSC01993 DSC01986

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda.
 
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com