DHUUSAMAREB (AGGM):Cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa tababar mudo soconayay waxaa loogu soo gabagabeeyay degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Mahad Khaliif Rooble Madaxa Amniga degmada Dhuusamareeb ayaa u sheegay Allgalgaduud Ciidamadda Tababarka loosoo xiray inay qayb ka qaadanayaan sugida ammaanka gobolka gaar ahaan deeganada ay inta badan ka dhacaan falalka Amni xumo.
Askar ka tirsan ciidanka booliiska oo tiradoodu gaareyso 60 askari ayaa tababar soconayey 45 maalmood loogu soo xiray magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.
Wuxuu sheegay Mahad Khaliif inay jiraan Ciidamo kale oo iyagana uu tababar u socdo waxaana uu xusay Ciidamadani inay yihiin kuwa degmooyinka gobolka ka howlgali doono.
Degmada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka soconayay mudoyinkii danbe Tababaro ay qaadanayaan Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed waxaana tababaradani kusoo biiray Ciidanka Booliska.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com