Warbixin:Maamulka Shirkadda Al-Kheyraat Oo Ku Soo Biiray Ololaha Ka Dhanka Ah R/wasaaraha “Magacyadda Ganacsatada”.

0

WarbixinSebtida oo ay taariikhdu ku beegantahay 30/11/2013 waxaa lagu wadaa in xildhibaanada baarlamaanku ay ka doodaan mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaanno tiradooda lagu muransan yahay, waxaana mooshinkan oo shir-guddoonka baarlamaanku ku wargeliyey Axaddii xildhibaanada uu sababay buuq , iyada oo xildhibaanada qaarkood ay sheegeen in magacyada liiska mooshinka ku qoran ay ku jiraan xildhibaanno geeriyooday sida Marxuum Cumar Islow & kuwa dalka dibedda uga maqan.

Xildhibaanada u ololeynaya xil ka qaadista R/wasaaraha ayaa ku kala qeybsamay taageerida mooshinkaas, waxaana wallaac badan uu yimid markii xildhibaan Cali Khaliif oo ka mid ahaa xildhibaanada taageersan R/wasaaraha kulankii Sabtida uu dalbaday in ay gacanta taagaan xildhibaanada mooshinka saxiixay balse la waayey cid gacanta taagta, taasina waxey shaki gelisay xubnihii mooshinka gadaal ka riixayey.

Ganacsato ka mid ah kuwa ugu cadcad Muqdîsho ayaa dhowrki cisho ee ugu dambeeyey ku soo biiray taageerida mooshinka, waxeyna ganacsatadan kulamo aan loo kala kicin la lahaayeen qaar xildhibaanada ka mid ah, iyaga oo koox koox & shaqsi shaqsi intaba ula kulmayey.

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, waxey sheegeen in lagu arkayey hotelada ay degan yihiin xildhibaanada maamulka shirkadda Al-Kheyraad oo ah shirkad ganacsi oo ballaaran, ayna maamulaan ganasato ay isku beel yihiin Madaxweyne Xassan Shiikh.

Ganacsatadan shirkadda Al-Kheyr waxey billaabeen in ay lacago xad dhaaf ah ku harqiyaan xildhibaanada, iyaga kulamo kala duwan kula leh xildhibaanada hotelada ay degan yihiin, una sameyaya balanqaadyo lacageed” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka, wuxuuna sheegay in ganacsatada kulamada la leh xildhibaanada in ay ka mid yihiin Ismaaciil Wardheere & Macaane oo ka mid ah maamulka shirkadda Al-kheyraad.

Xildhibaankan wuxuu sheegay in Madaxweyne Xassan Shiikh uu ka mid yahay saamileyda shirkadda Al-Kheyraad, inkastoo uu sheegay inuusan taasi caddeyn rasmi ah u hayn, haddana wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in ganacsato Soomaali ah ay hantidooda dulmi ku taageeraan iyaga oo hannaan qabyaaladeed ugu hiilinaya Madaxweynaha.

http://newsomali.com/2013/11/26/warbixin-ku-saabsan-maamulka-shirkadda-al-kheyraat-oo-ku-soo-biirtay-ololaha-ka-dhanka-ah-rwasaaraha-magacyadda-ganacsatada/

Xildhibaankan wuxuu kale oo uu saxaafadda u sheegay in mid ka mid ah howl-wadeenada Wasaaradda Maaliyadda oo ka soo jeeda beesha Waceysle magaciisana lagu soo gaabiyey Shire in isna la arkayey isaga oo lacago u qeybinaya xildhibaanadda, waxaana qaar ka mid ah xildhibaanadu ay sheegeen in Shire uu hanjabaad u geystay dhowr xildhibaan oo ka tirsan beesha 5-aad.”Waxaa nasiib darro ah in ganacsatada madaxweynaha qabiilka ku taageeraya, waxey aheyd in ay la taliyaan oo ay yiraahdaan waxaad ku socotaa dariiq qaldan ee ka joog, haddiise ay doorteen in ay hantidii ummadda ay ka dhaceen in ay ku taageeraan ha ogaadeen in iyagana bulshadda xagooda ay ka geli doonaan (black list)” ayuu yiri Xildhibaanka.

Xigasho yoobsannews

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com