Dhagayso:- Raaskambooni oo Kismaayo ku dishay Nabadoonkii Beelaha Gabooye ee Jubbooyinka

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil loo gaystay Nabadoon caan ah oo laga yaqaanay Jubbooyinka kaasi oo Malayshiyo ka tirsan Ciidanka Raaskambooni ee Kismayo ku sugan ay ku dileen halkaasi.

Nabadoon Carabeey oo kamid ah Odayaasha Kismaayo ayaa u sheegay warbaahinta dilka Nabadoonka inay ka danbeeyeen Ciidanka Axmed Madoobe.

Nabadoon Cabdi Maxamuud Aadan oo loo yaqaan Cabeey oo kamid ah Odayaasha Magaalada Kismaayo, ayaa dilka Nabadoonka wuxuu ku eedeeyay inay ka dambeeyaan ciidanka Raaskaambooni ee Magaalada Kismaayo ku sugan.

Wuxuu sheegay in Nabadoonka shalay isaga oo meel ku sugan uu uyimid gaari Cabdi Bile ah oo ay kasoo dageen rag wata dareeska ciidanka Maamulka Jubba, kadibna ragaasi ay rasaas la dhaceen Nabadoonka oo uu halkaasi ku geeriyooday.

Nabadoon Cabeey ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamada Maamulka KMG Jubba ay Nabadoon ku toogtaan Magaalada Kismaayo, maadaama uu sheegay in dhibaatooyinkii ka taagnaa Jubbooyinka heshiis buuxa laga gaadhay.

Nabadoon-Caabey