Qaxootiga Soomaalida Ee Ku Nool Dalka Uganda Oo La Sheegay Inay Haysato Nolal Xumo.

0

Qaxooti KampalaKampala (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegaya in qaxootiga Soomaalida ku dhaqan dalkaas la soo diristay xaalado nolal xumo, gaar ahaan kuwa jira xerrada lagu magacaabo Nakivale ee dulleedka Kampala.

Qaar ka mid ah qaxootiga ku jira xerada Nakivale oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ay liidato nolosha dadka qaxootiga ah ee ku jira xerada, ayna sii badanayso dhibaatada ka dhalaneysa xilliyada ay raashinka qaataan oo ay sheegeen in dhacdo dhibaatooyin ay isbuurashu ka mid tahay.

Waxa ay sheegeen in hay’adda UNHCR u qaabilsan cunto siinta dadka qaxootiga ah ay ku khasbeen in ay soo xaadiraan mar kasta oo ay cunto qeybin ka jita xerada, taas oo sababtay in ay xerada ka dhacaan rabshado sababay ugu yaraan dhaawaca hal ruux oo Soomaali ah.

Mas’uuliyiinka ka socda wasaaradda musiibooyinka iyo arrimaha gargaarka ee dowladda Uganda, hay’adda cuntada Adduunka ee WFP iyo hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay UNHCR, oo booqday xerada Nakivale ee duleedka magaalada Kampala ayaa sheegay in ay ballanqaadayaan in la hagaajiyo nolosha dadka qaxootiga ah ee ku jira xerada.

Xerada Nakivale ee galbeedka dalka Uganda ayaa waxaa ku jira kumannaan qaxooti u badan Soomaali.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com