Dhageyso: Falaagada Al Shabaab Oo Ku Qaraabaneyso Dadka Ku Waxyeeloobay Fatahaada Webiga.

0

kaba kutukadeMuqdisho (AGGM): Ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa waxa ay ka hadleen fatahaada Wabiga Shabeele uu ka geystay deegaano ka tirsan Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe iyo dagaal beeleedyada halkaasi ka dhacay.

Horjoogaha falaagada Al-Shabaab ee Gobalka Shabeelaha dhexe Yuusuf Ciise Kaba-kutukade oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka falaagada Al-Shabaab ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed laga rabo inay isu gurmadaan oo kaalin weyn ay ka qaataan samatabixinta dadka dhibaatooyinka ay soo gaareen.

Yuusuf Ciise Kaba-kutukade, ayaa waxa uu sheegay in xilligii falaagadiisa Al-Shabaab ay maamuli jireen Degmada Jowhar aysan halkaasi ka dhici jirin fatahaada wabiga hadii ay dhacdana ay sameyn jireen dadaalo looga hortagayo dhibaatooyinka uu geysto Wabiga.

Horjoogaha ayaa Waxa  sheegay in hada Gobalka ay ka jirto masuuliyad daro ku aadan inaan dadka lagala tacaalin dhibaatooyinka wabiga fatahaadiisa uu geystay.

Dhanka kale horjoogaha ayaa waxuu ka hadlay dagaal beeleedyada ka dhacay Gobalkaas, waxaana uu sheegay in Gobalka labo arin ay ka jirto oo ah qabaa’ilo hub la isugu dhiibay oo dagaalamaya iyo fatahaada wabiga.

Isku soo wada duuboo Fatahaada Wabiga Shabeele ee Degmada Jowhar ayaa sababtay inay go’doon gasho Magaaladaasi, dadka badankiis ayaa waxa ay isweeydiinayaan maxaa xiligan ku soo beegay dalbashada in loo gurmado shacabka ee kasoo yeeraya Horjooge Yuusuf Ciise Kaba-Kutukade oo la wada ogsoon yahay waxii uu ka geeystay gobolada dalka Soomaaliya.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Horjooge Kabo Kutukade

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com