Safaaradda Soomaaliya Ee Dalka South Africa Oo Ugu Baaqday Jaaliydda Iney Midoobaan

0

johannesburgbynightJohannesburg(AGGM)Safaaradda   Soomaaliya  ee  wadanka  Koonfur  Africa   ayaa    ugu  baaqday shacabka  Soomaaliyeed ee  ku nool wadankaasi   inay  muujiyaan  midnimo   xilli  ay sii kordhayaan  dhibaatooyinka  kooxaha  burcadda ah u gaysanayaan.

Xoghayaha Koobaad ee Safaarada Soomaaliya ee dalka Koofur Afrika mudane Ismaaciil Cabdalle ayaa ugu baaqay jaaliaydda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi iney muujiyaan midnimo iyo iskaashi la xiriira horumarinta ganacsigooda.

Sidoo kale xogayaha ayaa ku boorriyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi iney la soo xiriiraan safaaradda haddii ay dareemaan dhibaatooyin qalqal gelinaya noloshooda iyo ganacsigoodaba.

Xoghayaha ayaa meesha ka saaray warar ay qoreen qaar ka mid ah saxaafada Soomaalida kaasoo ahaa in xoghayuhu diidanyahay in uu safaarada yimaada mas’uul safaaradda u qaabilsan waaxda ganacsiga,  kaas oo lagu magacaabo Yuusuf Kulmiye Calasow wuxuuna ku tilmaamay hadalkaasi dacaayad aan sal iyo raad laheyn.

Hadalkan ka soo yeeray xoghayaha safaarada Soomaaliya ee dalkaasi South Africa ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan dhibaatooyinka isugu jira dilka iyo boobka ee lagu hayo muwaadiniinta Soonaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com