Muqdisho(AGGM) Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, kaasoo ah mid kalsooni kala noqosho ah balse noqon doona mid fashil ku dhaamada.
Warar muhiim ah oo ay helayso warbaahinta Allgalgaduud ayaa sheegaya in mooshin ay ku saxiixan yihiin 20 Xildhibaan loo gudbiyay Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Axmed Cawad oo ah Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka,waxaana la sheegay in xildhibaanadaasi gacan saar wayn la leeyihiin koox diimeedka Daamul Jadiid.
Mooshinka ayaa waxaa goor dhow geeyay ilaa 5 Xildhibaan oo uu horboodayay Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Cabdiwali Ibraahim Muudeey, iyadoo Xafiiska Gudoonka Baarlamaanka uu ka gudoomay qoraalka mooshinka. Waxaana la sheegayaa inay kooxda Daamul Jadiid niyad jab baahsan soo wajahay.
Maalinta Sabtida ayaa la filayaa in Baarlamaanka uu ka yeesho kulan khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo salka ku haya mooshinka, iyadoo mudanayaasha baarlamaanka loo qeybinayo, isla markaana maalinimada Isniinta ay ka doodi doonaan.Waxaana la aaminsan yahay in damaca koox diimeedka daamul jadiid uu noqon doono weel hoosta ka daloola.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo safar dibada ugu maqan ayaa la filayaa in maalinta berri uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, isla markaana uu shir gudoomiyo kulamada baarlamaanka ee looga doodayo mooshinka ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha.
Inkastoo ay jiraan xildhibaano tiro yar oo jeebka ugu jira koox dimeedka Daamul Jadiid hadana waxaa tirada ugu badan ee xildhibaanda baarlamaanku ka soo horjeedaan talaabada qalafsan ee dalka soomaaliya lagu marin habaabinayo,waxaana la sheegaya inay u badan tahay inay ganafka ku dhuftaan koox diimeedka Daamul Jadiid.
Ugu dambeyntii koox dimeedka Daamul Jadiid ayaan seexan todobaadkii la soo dhaafay iyagoo ay soo wajahday caqabado badan oo kaga yimid aqoon yahanada iyo xildhibaanada baarlamaanka,waxaana sidoo kale beesha caalamka uga imanaaya digniino culus oo ku aadan inay joojiyaan siyaasadaha jar iska xoorka ah ee ay ka wadaan Magaalada Muqdisho kana soo horjeeda raisalwasaaraha.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com