Kuwait (AGGM): Waxaa dalka Kuwait ku soo dhamaaday shir madaxeedkii wadamada Africa iyo Carabta uga socday labadii cisho ee la soo dhaafay, iyadoo shirka dhinaca Soomaaliya ay uga qeyb-galleen wafdi uu hogaaminayay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Ka qeyb-galayaashii shirka ayaa isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo la xiriira sidii ay wadamada Africa iyo Carabta u yeellan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan, gaar ahaan dhinaca ganacsiga, waxaana halkaa lagu yaboohay dhaqaalle aad u faro badan oo qeyb ka mid ah loogu deeqay Soomaaliya.
Pro Jawaari ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka waxaa uu uga mahad celiyay wadamadii ka qeyb-galay sida ay uga jawaabeen dhibaatadii ka dhalatay duufaanta iyo robabka is watay ee ku dhuftay dhawaan deegaanno ka tirsan maamul gobolleedka Puntland.
Gaar ahaan guddoomiyaha ayaa u mahad celiyay dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo waliba Kuwait sida deg-deg ah oo ay kaalmada ula gaareen deegaannada ay masiibadu ka dhacday, wuxuuna ku boorriyay madaxda ka qayb gashay shirka inay gacan ka gaystaan gargaarka dadkaas.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxda iyo shacabka Kuwait gaarsiiyay salaan uu uga waday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna uga mahadceliyay soo dhoweynta iyo martigelinta shirka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com