Baledweyne (AGGM): Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanayo ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah ganacatada magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan in ay xiriir wanaagsan la leeyihiin kooxaha Al-shabaab ee falalka amaan darro ka fuliya sida uu hadalka u dhigay gudaha magaalada Beledweyne.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkiisu ka war-qabo in ay jiraan ganacsato lacago siiya islamarkaana ku biilla magaalada, kooxaha loo soo dirro in ay fuliyaan falalka amaan darro, islamarkaana maamulka sida uu hadalka dhigay talaabo adag ka qaadi doono ganacsatada noocaas u shaqeeya.
Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa fariin adag u dirray odayaal dhaqameed sida uu sheegay isku daya in ay soo damiintaa shaqsiyaadka lagu hello in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab marka la xiro kadib, waxaana uu intaa ku darray in wixii hadda ka danbeeya cid kasta oo ka daba-timaada qof lagu hellay danbi ah in uu ka tirsan yahay Al-shabaab loo aqoonsa doono in uusan waxba dhaamin xabsina ku mudan doono sidaa.
Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayuu faray guddoomiyaha in ay foojignaa dheeraad ah muujiyaan islamarkaana u ogolaan sida uu hadalka u dhigay kooxaha falalka amaan darro ka wada magaalada wax la mid ah wixii dhawaan ka dhacay ilinka hore ee saldhiga booliiska Beledweyne.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com