Wasiiro Xukumadda Ka Tirsan Oo Gaaray Degaanka No 50 Ee Dagaaladu Ka Dhaceen

0

Somali-logoMuqdisho(AGGM)Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumada Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray deegaanka NO: 50 ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasoo dagaal labo maalmood socday uu ku dhex maray ciidamo milateri ah iyo maleeshiyo deegaanka ah.

Sida ay sheegayaan wararka wafdigan wasiirada ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo odayaal dhaqameed deegaanka ka soo jeeda.

Wasiiradan ayaa waxaa galbinayay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, kuwaasoo ammaankooda sugayay, iyagoo markii ay gaareen deegaanka NO: 50 ay halkaas ku soo dhoweeyeen dadka deegaanka.

Wafdigan ayaa la filayaa inay qiimeeyaan deegaanka NO: 50 oo dagaal qasaare badan dhaliyay uu maalmo ka hor uu ka dhacay, isla markaana baaritaan ku sameeyaan waxyaabihii sababay dagaalka.

Gudoomiyaha deegaanka NO: 50 ayaa wafdiga wasiirada ku soo dhoweeyay deegaanka, waxaana lagu wadaa inuu kulan labo geesood ah uu dhex maro wafdiga wasiirada iyo maamulka deegaanka.

Maleeshiyo deegaanka oo u howl gala qaab ciidamo madani ah ayaa gacanta ku haya ammaanka deegaanka, iyadoo la sheegay in ciidankaas ay ka war heyso dowladda, isla markaana qorshuhu yahay in la xareeyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com