Tirada Dadka Ku Geeriyooday Weerarkii Saldhigga Beledweyne Oo Gaartay 28 Ruux.

0

baledweyne qaraxBaledweyne (AGGM): Tirada dadkii ku dhintay weerarkii shalay oo Talaado ahayd kooxda Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga booliska Beledweyne ayaa gaartay 28 qof.

Dadka dhintay ayaa isugu jira toddobo shacab ah, 10 ka tirsan dableydii weerarka geysatay iyo 11 boolis, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka dowladda Soomaaliya, Injineer Cabdiraxmaan Yariisow.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo uu waday qof is-miidaamiye ahaa ayaa ku qarxay ganjeelka weyn ee saldhigga booliska, kaddibna dabley ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u gashay saldhigga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sidii ay u ciribtiri lahayd maleeshiyada Al-Shabaab.

Magaalada Beledweyne oo 300 km dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Muqdisho waxaa saldhig ku leh ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Bishii la soo dhaafay, qof is-qarxiye ahaa ayaa ku dilay 16 qof maqaayad ku taalla isla magaaladaas, isagoo bar-tilmaameedsaday ciidamo isugu jira Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan, oo kooxda Al-Shabaab ay ku eedeyso inay ku soo duuleen Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com