Maxkamada Awdal Oo Xukun Ku Riday Dhalinyaro Rabshado Ka Samaysay Gudaha Boorama.

0

jeelka-boorama-300x167Hargeysa(AGGM) Maxkamada gobolka Awdal ayaa xukun kala duwan oo isugu jira xadhig iyo ganaax lacageed ku riday 43 dhalinyaro ah oo hore loogu soo xidhxidhay inay ka qayb qaateen falal rabshado iyo burburin hantiyeed isugu jira oo ka dhacay gudaha Boorama.

Maxkamada iyo agagaarkeeda ayaa amaanka aad loo adkeeyay, waxana uu ahaa hoolka ay ka dhacaysay dacwadu mid ay albaabadu u xidhan yihiin oo aan saxaafada loo ogolayn, waxana banaanka hore ee maxkamada gobolka Awdal buux dhaafiyay dadwayne u badan eheladii dhalinyaradan la xukumayay.

Markii ay dacwadu dhamaatay ayaa ilo wareedyo sugan, balse ka gaabsaday in la shaaciyo magacooda oo ay shabakadu la xidhiiday ay u sheegeen waxa lagu xukumay dhalintaasi iyo waxa lagu soo eedeeyay waxana ay yidhaaheen “Waxa dhalintan lagu soo eedeeyay dambiyo ay ka mid yihiin, ka qaybgaadashada rabshado khalkhal galiyay nabadgalyada, burburin hantiyeed, iyo xadgudubyo kale, waxana ay maxkamadu xukuntay 43 dhalinyaro ah oo ay midkiiba ku xukuntay 2 sano oo xadhig ah iyo 500 oo kun oo shilinka Somaliland ah oo ganaax ah, sidoo kale waxa jiray sedex eedaysane oo ka maqnaa maxkamada oo ay iyagana maxkamadu iyaga oo aan joogin ku xukuntay midkiiba 3 sano oo xadhig ah iyo 500 oo kun oo shilinka Somaliland ah oo ganaax ah.

Si kastaba ha ahaatee dhalintan la xukumay ee aadka u badan ayaa waxa hubaal ah inay walaac hor leh ku soo kordhinayaan xaalada xabsiga dhexe ee gobolka Awdal oo ah mid aalaaba ka cawda dhinaca baaxada, isla markaana aanan qaadi karin maxaabiis tiradan dhan oo lagu xidho isla markaana mudo dheer la qorsheeyay in lagu hayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com