Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Oo Cambaareeyay Weerarkii Beledweyne.

0

Cirfo-466x350Dhuusamareeb (AGGM): Maamulka dowladda ee gobolka Galgaduud ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala eegtay saldhigga booliska ee magaalada Beledweyne oo ay ku dhinteen 28 qof.

Guddoomiyaha maamulka dowladda ee gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa weerarrada ay geysaneyso al-Shabaab.

Cirfo ayaa tilmaamay in maamulkoodu uu adkeeyay ammaanka gobolka Galgaduud, si ay ugu hortagaan dhibaato kasta oo lagu waxyeeleynayo nabadda iyo horumarka gobolka.

Wuxuu ugu baaqay shacabka gobolka Galgaduud inay la shaqeeyaan maamulka, si loo xoojiyo ammaanka, isla markaana looga wada shaqeeyo xasilloonida gobolka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com