Hargeysa (AGGM): Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamulka Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyey inay faro-galin ku hayso arrimaha gudaha ee Somaliland, wasiirka oo shirjaraa’id ku qabtay xafiskiisa ayaa sheegay Madaxda dowladda soomaaliya ay kharash badan ku bixinayaan khalkhalgalinta Somaliland ayna doonayaan inay dadka Somaliland fidno ka dhex huriyaan sida uu yiri.
“Dowladda Soomaaliya waxay wadaa fawdo siyaasadeed in dalka (Somaliland) laga abuuro, sida awgeed waxay ku talo jiraan in la abuuro in dad Somaliland khilaaf ka dhasho oo si macno daro ah loo duufsado dad inaga mid ah, isla markaana loo eekaysiiyo Soomaaliyada khalkhalsan”ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancadde oo eedeyn culus dusha ka saaray madaxda sarsare ee Soomaaliya.
Waxaanu intaas ku daray: “Waxaanu ognahay in Soomaaliya waxa halkaasi geeyey muran siyaasadeed iyo muran madaxtinimo, arrintana (Somaliland) lagu bixiyey hanti badan iyo talo badan, waxaanay dalka ka abuurayaan iska hor keen dadka Somaliland iyo in deganaansho la’aan laga abuuro”.
Sidoo kale, waxa uu Warancadde si adag ula hadlay xisbiyad mucaaradka ee shirka Qaran qabanaya, waxaanu sheegay inay masuuliyad ka saaran tahay wax kasta oo khalkhal keenaya inay ka hor tagaan, wuxuuna yiri “Waxaan maqlayey dad ku dhawaaqayey ha la aqbalo ama yaan la aqbalin ee maalin heblaayo ayaanu qabanaynaa shir weyne qaran, arintaasi waxay ku koobantahay cida ka masuulka ah, dowladuna iyadaa masuul ka ah inay cid kasta oo wax rabshaysa wax ka qabato darajo kasta oo uu leeyahay, dawladda Somaliland ma aha mid cabudhinaysa siyaasiinteeda iyo shacabkeeda, mana ma aha mid diidan inay tallo qaran la siiyo”ayuu yiri mar uu ka hadlayey shirka qaran ee ay qabanqaabinayaan xisbiyada mucaaradka.
Wasiir Warancadde waxa kale oo uu sheegay inay soo bandhigayaan xogo ay usoo gudbiyen sirdoonka Somaliland,isla markaana ay ku jiraan dad reer Somaliland oo ay adeegsanayaan xukuumada Soomaliya oo doonaya inay khalkhal ka abuuraan Somaliland, wasiirku ma caddeyn waxa uu yahay khalkhalgalinta iyo arrimaha uu ku eedeyanyo Soomaliya waxay tahay, haseyeehee eedan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee culus ee Maamulka Somaliland hawadda u mariyo dawladda Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com