Wararkii Ugu Danbeeyay Iyo Xaalada Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne.

0

saldhiga booliska baladweyneBaladweyne (AGGM): Mar kaliya ayaa saakay maqlay dhawaqa qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray saldhiga booliiska magaalada Beledweyne xili dadka ku dhaqan magaalada isku diyaarinayeen in ay guda-gallaan howl-maalmeedkoodii caadiga ahaa.

Qarax kadib ayaa la sheegay in ay gudaha u galleen saldhiga kooxo hubeysan oo diyaar u ahaa meel aan ka fogeyn saldhiga booliiska magaalada Beledweyne, gaar ahaan la sheegay in ay ka soo galleen saldhiga qeybta danbe.

Mar kaliya ayaa waxaa is qabsaday oo la maqlay dhawaqa rasaas xoogan o ay is weydaarsanayeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kooxaha weerarka soo qaaday, waxaana la maqlayay qoryaha garbaha laga tuuro ee baasuukaha oo ay adeegsanayeen kooxaha weerarka ku qaaday saldhiga.

Sida ay Hiiraan Net u sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan ciidamada ayaa bilaabay in ay dagaal toos ah la gallaan kooxaha soo weeraray saldhiga oo in badan oo ka mid lagu dillay gudaha saldhiga, halka la rymeysan yahay tiro aan badneyn in ay ka baxeen saldhiga kuna dhax carareen gudaha magaalada.

Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa isku fidiyay guud ahaanba magaalada Beledweyne, si ammniga u sugnaa, waxaana ay soo afjareen weerarkii ay kooxaha hubeysan ku qaadeen saldhiga booliiska.

Khasaraha dhimashada ayaa la leeyahay waxaa ay ku dhaw dahay 10 ruux inkastoo isbitaalka magaalada Beledweyne meydadkoodal la geeyay oo kaliya sadex ruux oo labo ka mid ah haween ahaayeen.

Weerarka ismiidaaminta ah ayaa gabi ahaanba bur buriyay dhimayaashii ka agta dhawaan saldhiga, waxaana dhulka ku soo dhacday oo bur burtay Aargadii ay caan ku aheyd magaalada.

Wali waxaa jira baaritaanno ay wadaan ciidamada maamulk gobolka Hiiraan, waxaana la fillayaan in goor dhaw uu warbaahinta la hadllo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com