Shir Madaxeedka Dalalka Afrika Iyo Carabta Oo Maanta Ka Furmaya Kuwait.

0

AFRICAN ARABKuwait (AGGM): Magaalada Kuwait ee dalka Kuwait ayaa maanta waxaa ka furmaya shir madaxeedka ee dalalka Afrika iyo Carabta.

Shirka ayaa looga arrinsanayaa horumarinta iskaashiga maalgashi ee waddamada Carabta iyo Afrikaanka ka dhexeeya.

Shirka ayaa waxa uu yahay midkii saddexaad ee ay yeeshaan waddamada Afrikaanka iyo Carabta, iyada oo markii u horreysay shirkan lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar sanadii 1977.

Soomaaliya shirka waxaa uga qeyb-galaya guddoomiyaha baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), isaga oo matalaya madaxweyaha jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa la filayaa inta uu shirka socda in Soomaaliya ay soo bandhigto fursadaha maalgashi ee waddanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com