Soomaaliya Xal Uguma Jiro khilaaf Iyo Is Qabqabsi.

0

maqaalAsalaamu calaikum waraxbatullaahi wabarakaatuhu, cafis,caafimaad,cimri dheer,cibaada suuban iyo midnimo somaliyed oo ay kudheehantahay silaamnimo ayaan allaah idiin kaga baryayaa walaalahayga somaliyeedoow,

Intaas kagadaal waxaan jeclahay in aan idin lawadaago qoraal kooban oo aan jeclahay in aan ooga hadlo dan ma ugu jirtaa mantay somalia khilaaf, waa wax iskacad taas waayo wadankeenu wuxuu marayaan xaalado xasaasi ah oo aan wada aragno sida fatahaado,duufaano dabiici ah iyo soo hagaag amni,oo indheeena iyo kuwa caalamkaba soo jiidanaya,

Waxaana taas uleeyahay waxaan kunoolahay wadan qurba ah waxaana latacaamulaa dadka udhashay wadanka aan kunoolahay mudo dhowrsano ahna waan kunoolaa ayadoo somalia ay kajireen xaalado adeg oo aad uxanuun badan dadkeenana ay soo gaarto dhib aad ubaahsan sida dil,jooogta ah oo bareer ah,qaraxyo isdaba jooga iyo abaaro

Waxayna ku oranayaan markaan lasheekaysado ama aad ay iidin dhexmarto sheeko iska caadi ah somalia hada way soo fiicnanaysaa, markaan su,aalo see u ogaateen waxay kuugu jawaabayaan waxaan ka aragnaa akhbaarta caalamka

Soomaaliya maantay waxaa hogaamiya rag dhalinyaro ah,aqoon yahano ah wadankana aan wax danbi ah soo galin qaarkoodna kasoo shaqeeyay dawladihii dalka soomaray ee sida PM shirkoon iyo Prof.jawaari oo ah ruug cadaa hadana aqoonyahana ah,

Marka waxaa wadanka kasocda dib udhis baaxadleh oo ay niyad uhayaan dhamana shacbiga somaliyed iyo wadamo badan oo raba in ay somalia sidiii ay ahaan jirtay kusoo noqoto sida dalka aan walaalaha nahay ee turky
wallow aysna meesha kamaqnaan danaha siyaasadeed,

Shaciga maxaa lagudboon doorkooduse waa maxay somalidu waa dad islaam ah lehna dhaqan,xeelad,caqli,caado,iyo wax garad garnaqsada gooyana talooyinka ayaga oo meela badan wax ka eega taas badalkeen waxaa badalay in aan ukala yaacno wadama darsika ah oo aan ukala dacwoono walloow taas ay kamitahya dhibka ina soo gaarnay,hadan waxaa lagama maarmaa ah in uu shaqeeyo caqliga allaahs wt inakumanaystay iyo waaya aranimadeenab,

Shacbiga somaliyed waxaa lagudboon in ay guntiga uxirtaan sidii ay dabkaas holcaya udamin lahaayeen oo guul lagu dhamayn lahaa khilaafkaas iyadoo toos loo abaarayo madaxda dalka lana sameeyo banaan baxyo iyo warbaahinta oo dhan laga gudbiyo in aan raali laga ahayn khilaaf iyo in aan dib ulaabano oo aan kunoqono wadadii qodxaha,dhibka iyo xanuunka mbadnayd ee aan kusoo daalnay xiliga dheer

Soomaaliya waxay leedhaay waxgarad caqli badan meel dheerna wax ka arka waaya aragnimana uleh in ay xaliyaan khialafaadka iyo isqabqabsiga inkasta oo uu le egyahayba,in ay waxgaradkeenu galaan arintaas oo aysan garteena naqin dawlad aan wax an ah kuu hayn

Waa in loo midoobaa o isku aragti alga noqdaa dhamaan shaciga somaliyed oo ay diraan baaqyo,maqla iyo muuqaalba ah iyo cadeeyaan fikradooda ku aadan in aysan raali ka ahayn dhib danbe iyo dagaal unoqosho hadii ay taas dhacdo oo aan muujino awoodeena shaci waxaa laga yaaba ain ay maadxdu gaaraan xal iyo is afgarad oo aan aragno ayaga oo inta yimaada warbaahinta leh waa uu dhamaatay waxaana ugu bishaaraynayna ashaciga somaliyed in uu dhamaatay khilaafki wuxuuna ahaa mdi dastiiri ah hadan khalaas

Aragtidayda waa sida xal waara looga gaari karo araintaas waayo maalintii xasan sheekh ladoortay iyo Pm shirdoon dhamaan shacbiga somaliyed waxays ameeyeen dabaal dagyo waa wayn oo aan ogayn heerka uugaarsiisnaa,

Rabbi tala udaa ilaahoow adoomadaada adaa ajiibee somalia midnimo,hormar,amni,madax xalaal wax kumaamusho oo wadaniyiin ah sii kuha hada talada hayana khayrka waafaji khilaafkoodana kudhamee guul iyo is afgarad

Abdirazak Abdile Ali qoraa iyo ganacsade somaliyed ee kunool saudi Arabia makkah
Abursame@hotmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com