Dhageyso: Dr. Axmed Faarax Ducaale Oo Fariin Adag U Diray R/Wasaaraha Iyo Madaxwaynaha.

0

ducaale1Muqdisho (AGGM): Dr Axmed Faarax Ducaale oo kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka mudo badana ku noolaa wadamada qurbaha ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Axmed Faarax Ducaale ayaa ku tilmaamay ayaan daro in khilaaf soo kala dhex galo Madaxdii dowladda markii ay halsano si toos ah oo khilaaf la’aan ah u wada shaqaynayeen wuxuuna ugu baaqay dhinacyada Khilaafku soo kala dhex galay inay xaliyaan arintooda isla markaana aan xiligani loo baahnayn Khilaafaad.

“Waa Nasiib daro dowladdii ugu horaysay ee saxda ahayd ee Soomaaliya yeelato burburkii kadib markii ay gu jirsatay in dhibato bilaabato si fiican bay dowladu u shaqaynaysay wada shaqayn iyo ididiilo cusub oo dalka iyo dadkaba aad niyad wanaagsan u galisay maanta markii sanadkii koowaad dhamaaday khilaaf la’aan sanadka horana sidiisa waa waxbarasho markii aan sugaynay wax qabad muuqda inay timaado khilaaf waa ayaan daro wayn” ayuu yiri Dr Axmed Faarax Ducaale.

Sidoo kale wuxuu Dr Axmed Ducaale uu ka digay inay arintani soo dhex galaan beesha Caalamka isagoona tilmaamay dowlad walba oo doonaysa inay soo kala dhex gasho inay leedahay dano gaar ah.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Dr Ducaale

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com