Laanta Buur (AGGM): Wararka ka imaanaya deegaanka Nambar 50 ayaa sheegaya in Ciidamada Milateriga oo saakay la wareegay deegaankaas laga soo saaray, kadib amar ka yimid Taliska Milateriga.
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada oo dagaal kula galay deegaankaas maleeshiyo deegaanka ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Milateriga lagu soo daad-gureeyay gawaarida dagaalka, kuwaasoo goor dhoweyd la geeyay Xerada Laanta Buuro ee duleedka degmada Afgooye.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho in ciidamada milateriga ay deegaankaas ka geysteen dhac iyo boob.
Hase ahaatee ma jirto war ka madax banaan arrintan, iyadoo xaalada deegaanka uu haatan yahay mid degan, isla markaana deegaanka ku sugan yihiin maleeshiyadii deegaanka ee horay u heysatay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Milateriga weerarka ay ku qaadeen deegaanka uu ka dambeeyay markii maleeshiyo deegaanka ah ay jidgooyooyin dhigteen, isla markaana qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada ku eedeeyeen inay taabacsan yihiin Al-Shabaab.
Dhinaca kale Beesha H/gidir ayaa iska fogeysay inay ku lug leedahay dagaalada ka dhacay deegaanka Nambar Kontan, waxaana Imaamka beeshaas uu maanta beeniyay wararka sheegayay in dagaalka u dhaxeeyo labo beelood.
Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalka, iyadoo Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo deegaanka ka soo jeeda ay ku baaqeen in saraakiisha milateriga ee deegaanka weeraray in maxkamad la soo taago.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com