London(AGGM)Sirdoonka wadanka Kenya ayaa sheegay in haweeneyda sida weyn loo doon doonayo ee u dhalatay dalka Ingiriiska ee la yiraahdo Samantha Lewthwaite ay mas’uul ka tahay dilal loo geystay wadaado dhanka diinta Islamka ah oo lagu dilay wadanka Kenya magaalooyin ku yaalla.
Warar ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Samantha Lewthwaite ay iyadu amartay dilal loo geystay 7 ruux oo ay ku jiraan wadaado caan ka ahaa wadanka Kenya kuwaasoo Muslimiin ahaa.
Dadka lagu tuhmay in dilkoda ay ka dambeysay waxaa ka mid ah wadaad la oran jiray Sh Cabuud Rogo oo koox hubeysan ay maalin cad ku dhex toogteen magaalada labaad ee dalka Kenya ugu weyn ee Mombasa bishii August sanadkii hore.
Sirdoonka Kenya waxay sheegeen inay hayaan xog cadaynaysa in haweeneydaan u dhalatay dalka Ingriiska ay iyadu amartay dilka wadaadkaas kooxdii dishayna ay xiriir la lahaayeen.
Wargayska Daily Mail ee Ingiriiska kasoo baxa oo sheekadaan wax ka qoray ayaa ku waramaya in Samantha iyo Sh Cabuud Rogo ay bartimihii sanadkii hore isku qabteen arrinta ku saabsan dagaalka Soomaaliya ka socda iyo taageeradda Al-Shabab.
Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in haweenaydaan ay amartay dilka wadaad kale oo asna la oran jiray Sh, Ibraahim Rogo xilli uu kasoo baxay masjidka Muuse la yiraahdo oo Mombasa ku yaala.
Sargaal ka tirsan sirdoonka Kenya oo la hadlay wargayska kale ee The Mirror ayaa sheegay in Samantha Lewthwaite ay mas’uul ka aheyd dilal loo gaystay wadaado kale oo kasoo kala jeeday wadamada Soomaaliya, Tanzania iyo Uganda kadib markii ay is qabteen.
Haweeneydaan British,ka ah oo baxsad ka aha hay’adaha amaanka Kenya iyo Ingiriiska ayaa waxaa sidoo kale baadi goob ugu jira booliska adduunka ee Interpol ka la yiraahdo waxaana lagu xagliyaa inay aad u taageerto Xarakadda Al-Shabab.
Markii ugu dambeysana waxaa lagu arkay meelo ka mid ah gudaha Soomaaliya ayadoo ku dhuumaalaysanaysa.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com