Garoowe (AGGM): Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo booqasho ku tagay qaar ka mid ah deegaannadii ay duufaantu ku dhufatay ayaa ugu baaqay dadka ay xooluhu ku hareen in xoolo gooyo ay u sameeyaan qaarka ku xoolo beelay musiibada dhacday.
Waxa uu sheegay in guddi ka kooban odayaal iyo culimo ay u dirayaan dadka wax haysto, si ay u bixiyaan sekada, iyo in xoolo gooyo ay u sameeyaan dadka ay xoolo la’aantu ku reebtay duufaantii roobabka wadatay ee dhowaan ku dhufatay deeganno ka tirsan Puntland.
Waxa uu sheegay in xilligan lagama maarmaan ay tahay in la is caawiyo, si loo muujiyo wax wada qabsi iyo in loo guntadado sidii looga soo kaban lahaa dhibaatada ay musiibadu ku reebtay dadka deegaanka.
Dabaylaha roobabka wata ee dhowaan ku dhuftay deegaanno ka tirsan maamulka Puntlan ayaa sababay in ay ku le’daan xoolo fara badan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com