Dokument Cadeyn Ah:Daamul Jadiid Oo La Ogaaday Inay Masuul Ka Yihiin Dilalka Saxafiyiinta & Hanjabado Hor Leh Oo Ka Imaanaya

0

warqad-sir-ahMuqdisho(AGGM) Xafiiska Madaxweynaha dawlada federaalka ee Soomaaliya isla markaasna ka shidaal qaata Koox Diimeedka Daamul Jadiid ayaa la sheegaya inay ku soo baxayaan cadeymo muujinaya inay masuul ka yihiin dilalka Qorsheysan ee loo geysto Saxafiiyiinta iyo dadka Biri Ma Geydada ah.

Ka dib markii khilaafka madaxda dawladu soo shaac baxay waxaa soo baxeyey warar aad u badan oo ku lid ah saxafiyiinta soomaaliyeed isla markaasna qaar ka tirsan Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed loogu hanjabay in la dili doono hadii ay muujiyaan tageero ama soo ban dhigid Waxqabadka Xukumadda Raisalwasaare Saacid,waxaana hanjabaad laga soo direy xafiiska Madaxweynaha gaar ahaan Xafiiska Wasiirka Madaxtooyada oo uu gacantiisa ku soo qorey Faarax Cabdi Qaadir loo direy Wariye Soomaaliyeed oo ka hawlgala warbaahinta Qaranka.

Wariyahan oo lagu magacaabo Cabdulaahi Maxamuud Cumar ” GAR FIIQ”  waxaa uu  wasiirka Madaxtooyadu u soo direy Hanjabaad kulul oo ku aadan inuusan baahin waxqabadka xukumada Raisalwasaaraha isla markaasna uu dhib uga imaan doono hadii uusan ka saarin  barta Youtube-ka oo uu ku faafiyey Wariyeyaasi.

Wariye Cabdulaahi waxaa uu jawaab deg deg ah ka bixiyey arrintaasi,waxaana uu ku celiyey warqad Faarax Cabdiqaadir isagoo u cadeeyey inuusan joojin doonin shaqadisa saxafinimo isla markaasna uu faafin doono xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta dalka Soomaaliya,waxaana uu sheegay inuu sii wadi doono hawshiisa saxafinimo.

Ugu dambeyntii Wariye Cabdulaahi waxaa uu soo bandhigey Warqadii uu u soo direy Faarax Cabdiqaadir taasi oo muujineysa in kooxda Daamul Jadiid ay masuul ka yihiin dilalka iyo hanjabaadaha loo geysanayo Saxafiyiiinta Soomaalida,waxaana arrintaasi walaac ku abuurtey saxafiiyiin badan oo aaminsanaa in dilalkaasi laga soo abaabulo meele kale balse xaqiiqda ogaaday.

Daawo Muqaalkii Wariyuhu Baahiyey & Warqadii Hanjabaada Ahayd Ee Loo Soo Direy

Halkan Hoose Ka Akhriso Emailka Hanjabaada Ah Ee Weriyaha Loo Soo Diray.

warqad-sir-ah

Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com