Ciidamo Dawladda Ka Tirsan Oo Ku Dagaalamaya Degaanka Lambar 50

0

breaking-news-red3-300x160Muqdisho(AGGM)Wararka goor dhaw naga soo gaaray deegaanka Lambar Konton (Km50) ee gobolka Shabellaha hoose ayaa waxay sheegayaan in dagaal culus uu ka socdo deegaankaasi oo udhaxeeyo ciidamo kawadatirsan Dawlada Somaliya.

Inkastoo si cad aan loo ogeyn waxa uu ku bilowday dagaalkaan ayaa hadana wariyaha Kulmiye uga soo warama Sh/hoose waxa uu soo sheegayaa inuu ka dhashay dagaalka markii ay kala shakiyeen labada ciidan.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa ciidamada Madaniga ee kusugan ceel Wareegoow iyo kuwa Lambar Konton la sheegay inay kala shakiyeen taasi oo sababtay dagaalka maanta inuu qarxo.

Gudoomiyaha Deegaanka lambar Konton C/llaahi Waaboow oo Allgalgaduud la hadlay ayaa waxa uu sheegay inay soo weerareen ciidan ay hogaaminayaan saraakiil janeraalo ah sida uu yiri shacab badana lagu xasuusay deegaankaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com