Muqdisho (AGGM): War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in xubno ka tirsan baarlamaanka ay daqiiqado ka hor billaabeen in ay lacago u qeybiyaan xildhibaanada baarlamaanka si xildhibaanadu ay qeyb uga noqdaan mooshin ka dhan ah R/wasaaraha xukuumadda federaalka Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Guddigan waxaa magacaabay Madaxweynaha, waxaana ay saaka billaabeen in xildhibaan kasta ay siiyaan lacag u dhexeysa 30 kun ilaa 50-kun oo dollar, ayna ka saxiixaan inuu qeyb ka noqonayo ridista R/wasaaraha, hasse ahaatee waxaa ka horyimid caqabado waaweyn, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada ay gaashaanka ku dhifteen in ay lacago laaluush ah qaataan.
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xassan Shiikh Aadan oo Guddiga loo xilsaaray dhaqaale qeybinta ka mid ahaa ayaa gurigiisa ugu yeeray xildhibaano baarlamaanka ka tirsan, halkaasoo saaka lacago loogu qeybiyey.
Mahad Cawad oo ka mid ah Guddoonka baarlamaanka ayaa isna gurigiisa ku qeybinaya lacagahaasi, halka Xildhibaanad Khadiijo Ilkacas ay hotel City Plaza fadhiisin ka sameysatay halkaasoo ay xildhibaano ay xulufo yihiin ugu qeybineyso lacago laaluush ah.
Kamaal Gutaale oo Agaasimaha Madaxtooyada ah & Siyaad Maxúud Shire oo ah Qusulka safaaradda Kenya ayaa iyaguna ku sugan Hotel Jaziira halkaasoo xildhibaanada ay ka saxiixayaan warqado, waxaana hal-ku dhiga kooxaha lacagaha qeybinaya ay ku guubaabinayaan xildhibaanada uu yahay “Madaxweynaha u hiili”.
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa Guddiga lacagaha qeybinaya waxey weydiiyeen “Haddii aan madaxweynaha ugu hiilino dulmi annaga maxaa innaga haraya.?” sidaa waxaa yiri xildhibaan Maxéd Xassan oo ka mid ah baarlamaanka, wuxuuna intaa ku daray in madaxweynuhu sharciga ku xagudbay haddii ay dulmi ugu hiiliyaana ay ka dhigan tahay Qiyaano Qaran.
“Waxaan wax badan u soo joognay, soona aragnay wax kasta oo dulmi & musuq-maasuq loo maro in ay fashil ku dhamanayaan waxaa hubaa in xaqu uu guuleysanayo” ayuu yiri Xildhibaan Maxéd Xassan.
Guddiga Lacagaha qeybinaya waxaa ka mid ah , Kamaal Guutaale, Dhageey, Siyaad, , C/shakuur Cali Mire & Xubno kale
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com