Gollaha Amaanka QM Oo Diiday In Dib Loo Dhigo Dacwada Madaxda Kenya.

0

golaha ammaankaNew York (AGGM): Kadib kulan ay yeesheen xubnaha ama wadamada ku jira gollaha amaanka AM ayeey ku gacan seyray dalab uga yimid AU ama midowgga Africa oo ahaa in dib loo dhigo maxkamadeynta madaxda dalka Kenya.

Kulanka gollaha amaanka ay ku yeesheen magaalada New York ayaa waxay ku diideen in dib loo dhigo dacwadaas, kadib markii Maxkamada dambiyada laga dalbaday in muddo sanad ah ay dib u dhigto dacwada.

Waxaa lagu wadaa in madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta uu tago tago magaalada Hague, si uu goob joog uga noqdo dacwada ka dhanka ah ee ay qaadeyso Maxkamada ICC dhamaadka bishan.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka William Ruto oo tan iyo bishii September xaadir ka ahaa dhageysiga dacwada Maxkamada ayaa isna dacwadiisa dib loo dhigay ilaa bisha Febraayo ee sanakda soo socota.

Xubnaha midowgga Africa ayaa si wada jir ah uga codsaday Golaha Ammaanka inuu dib u dhigo dacwada ka dhanka ah Madaxda Kenya, hase ahaatee waxaa uu Goluhu si cad uu dhegaha uga fureystay dalabkaas.

Dhawaan ayeey aheyd markii uu baarlamaanka dalka Kenya ansixiyay in Kenya ka baxdo xubinimada Maxkamada ICC.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa William Ruto ayaa loo heystaa dacwad ah inay ka dambeeyeen rabshadihii ka dhashay doorashadii 2007-dii oo ay ku dhinteen dad ku dhow kun ruux.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com