Baarlamaanku Dastuur Ahaan Xaquuq Ma Uleeyahay Inuu Motion Ka Keeno Xakuumadda Ra’iisul Wasaare Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid)?BY Dahir Nur Jama ( Dr Truman)

0

saacid - xasan sheekhSida aan la socono waxaa Khilaaf soo kala dhexgalay madaxda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud Iyo Ra’iisul wasaare Cabdi Faraax Shirdoon ( Saacid), haddaba waxaan maqleynaa ama soo yeeraya iney jiraan xubno ka mid ah Baarlamaanka soomaaliya isla markaana diyaarinaya Motion ka dhan ah Ra’iisul wasaare Saacid, waxaana dabada ka riixaya Madaxweyne Xasan oo ku fashimay xilkii ay ummadda soomaaliyeed u wakiilatay taasoo noqotay “La Mood Noqonse Weydey”. Haddaba su’aasha meesha ku jirta waxaay tahay Baarlmaanku ma keeni karaan Motion ka dhan ah Saacid, maadama uu taagan yahay khilaaf u dhexeeyo madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha?

Jawaabtu waxaa waaye waa maya, Baarlamaanku xaquuq dastuuri ah uma lahan waqtigaan uu jiro ismaandhaafka madaxda sare dowladda gaar ahaan madaxweynaha iyo Prime-minister-ka waayo arrinta meesha taal sharciyan waxaa waaye madaxweynuhu xaquuq dastuuri ah ma u leeyahay inuu casilo Primi-ministerkiisa?

Arrintu waa taas mana ahan mid waafaqsan dastuurka iyo nadaamka dowladnimo in la isku qaldo xaquuqda uu Baarlamaanku u leeyahay inuu Motion ka keeni karo Xukumadda iyo marka ay timaaddo is maandhaaf soo kala dhex gala madaxda dowladda, waayo waa laba arrin ama case oo kala duwan mana ahan arrin la isku qaldi karo ama laga raadiyo in dano gaar ah lagu fushado waayo waddanku nadaam buu leeyahay iyo sharuuc loogu tala galay in lagu maamulo nadaamka dowliga ah ee waddanku leeyahay.

Waxaana fool xumo iyo ceeb weyn ah in sidaa loo fekero kuna fekero madaxweyne Xasan, xal sidaa ku raadiyo kagana taqaluso Ra’iisul wasaare Saacid, asagoo isticmaalaya kuwo aan saaxiib u aheyn aqoonta iyo sharuucdaba ama danahooda qaaska ka arkey iney sidaa ku raacaan Xasan.

Haddii ay noqoto sidaa waxaa imaneysa in waddanku uusan laheyn dastuur iyo sharuuc midnaba ay tahay fowdo iyo jahawareer aan xal u keeneyn waddanka inuu gaaro xasilooni siyaasadeed.

Baarlamaanka waxaa looga baahan yahay inuu ku dhaqmo dastuurlka uu waddanku leeyahay marka laga reebo xeer hoosaadkiisa oo ah mid uu asagu isku maamulo si uu u socodsiiyo hawlihiisa joogtada ah, sidaa awgeed haddii ay dhacdo in xubno imaan laawayaal ah isla markaasna uu madaxweynuhu adeegsanayo inuu ku gaaro danihiisa gaar ah kuna fekeraan iney Motion la horyimadaan Guddoonka sae Baarlamaanka soomaaliya, isla markaana ay ka aqbalaan Motion noocaas ah ama ay siiyaan give way, waxaay noqon doontaa taariikh madoow oo laga been sheegey xaquuqaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin xubnaha ka midka ah Baarlamanka soomaaliya, waayo way caddahay ineysan dastuuri aheyn waqtigaan Motion laga keeno xukuumadda Ra’iisul wasaare Saacid.

Waxaan se aad ugu faraxsanahay in shacabka soomaaliyeed aysan aheyn kuwo ay heyso aqoon la’aan iyo xigmaddaro, waxaayna leeyihiin dad badan oo kala garanaya qaladka iyo saxda, waxaay leeyihiin aqoon yahano u leh taqasuus sharciyada, isla markaana fiirsanaya waxaa ka socda soomaaliya, gaar ahaan arrimaha ku saabsan siyaasadda iyo sharcuucdaba,qaasatan arrimaha la xiriira dastuurka. Sidaa awgeed waxaan uga digayaa Baarlamaanka soomaaliya weliba Guddoonka sare Baarlamaanka ineysan ku xad gudbin dastuurka, waayo Motion lagama keeni karo is maandhaafka madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha mana ahan mid waafaqsan dastuurka uu waddanku leeyahay.

Haddii is fahan nooca uu doono ha ahaatee lagu dhameyn waayo khaliifka ka dhex jira labada masuul waa madaxweyne Xasan iyo Ra’iisulwasaare Saacid.Habka kaliya ee furan waxaay tahay in Baarlamaanku xal ka gaaro marka taas ma ahan qaab Motion, ee waxaa waaye in madaxweynuhu uu Ra’iisulwasdaaraha xilka ka qaadi karo marka loo eego dastuurka uu waddanku leeyahay marka loo eego awoodaha uu leeyahay madaweynuhu iyo awoodaha uu leeyahay Ra’iisulwasaaraha. Arrintaas baa hortaalla Baarlamaanka soomaaliya, yaan lagu qaldan Motion aan dastuurka waafaqsaneyn.

Marka aan qeymeyo Baarlamaanka hadda jira ee soomaaliya isla markaana aan barbar dhigo Baarlamaankii ka horreeyey ee ku meel gaarka ahaa kana koobnaa 550 xubnood, kan hadda jirana yahay 275 xubnood, sidaa awgeed marka aan dhinaca tayada ka eego waxaa lagu tiriyaa kan hadda jira inuu ka tayo wanaagsan yahay marka loo eego dhinaca tayada, laakiin aniga waxaan tusaale cad u soo qaadanayaa in Baarlamaankii hore ee tirada badnaa meelo badan kaga wanaagsanaa midka maantay jira waayo Baarlamaankii hore wuxuu ahaa midkii diidey in la”Iibsado Badda Soomaaliya” markii shaqsiyaad ka tirsanaa dowladdii ku meel gaarka aheyd ee Sheikh Shariif.

Laakiin Baarlamaanka maantay jira waxaan ku qeymeynayaa isla markaasna aysan aheyn kuwa qurux badan qaas ahaan dhinaca waddaninimada waayo waxaan xasuustaa maalintii loo tartamayey madaxweynimada soomaaliya aheydna doorashadii uu ku soo baxay ninka hadda madaxweynaha ka ah soomaaliya waa Xasane, waxaa jirey maalintaas in xubnihii musharaxiinta ahaa in shaqsi walba jeedinaya fekerkiisa ku aadan haddii la doorto waxa uu doonayo inuu qabto, marka nin ka mid ahaa baa waxaa ka mid ah hadaladisii ” QARANNIMADA SOOMAALIYA IN LA SOO CELIYO MA AHAN BARYO” markii la codeeyey xattaa xal qofna cod ma siin sidaa awgeed waxaan u aqoonsaday in Baarlamaanka 275 xubnood ah ay ku yar tahay waddanimo amaba aysanba ku jirin shaqsi waddani ah waayo arrintaas waa wax lagu cabbiri karo heerkooda waddanimo.

Midda kale Madaxweyne Xasan waxaa” la Taliye u ah” dhinaca siyaasadda ninkii isku dayey inuu “Ibsado Badda Soomaaliya” su’aashu waxaay tahay Madaxweyne Xasan ma yahay shaqsi nadiif ah waayo nin isku dayey inuu iibsado badda soomaaliya inuu la taliye ka dhigto isla markaana uusan aheyn qof la soo hoos geliyey ee uu aqoon u leeyahay waxaa uu yahay shaqsigaas.

Isku soo wada duub waxaan uga digayaa Baarlamaanka soomaaliya weliba Guddoonka sare ee Baarlamaanka ineysan isku qaldin xaquuqda Baarlamaanku u leeyahay iney Motion ka keeni karaan xukuumadda marka ay u maraan habkii loogu talagalay, iyo arrinta maantay ka taagan ismaandhaaf udhexeeya labada masuul ee ugu sareeya dowladda soomaaliya marka laga reebo Guddoomiyaha Baarlamaanka .

W/Q: Dahir Nur Jama ( Dr Truman)
jama191@hotmail.co.uk

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com