Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Kuwait.

0

FOWSIYAAMuqdisho (AGGM): Wasiirka Arimaha Dibadda ahna Raii,Sul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Fowziya yuusuf xaaji Aadan oo ka qayb galaysa shirka Dalaka Carbta iyo dalalka Africa uga fumaya Dalka Kuwait ayaa gaartay dalka Kuwait maalintii shalay halkaa oo ay ku soo dhawayeen masuuliyiinta Safaarada Soomalida dalkaa ku leedahay

Waxaan marki ay halkaa tagatay la hadashay saxaafada iyada oo sheegtay in socdaalkeeda uu la xariiro ka qaybgalka shirka Madaxda africa Carabta hayeeshee waxa ay xustay in kulama hordhac ah la qaadan doonto Wasiira dibadeedyada Dalalka Carabta

Waxa ay sheegtay in Shirkaa uu yahay mid muhiim u ah Soomaaliya islamarkaana ku saabsan Maalagashiga Dalalka Carabta ku samaysanayaan dalalka Africa hayeeshee Soomaaliya ayay sheegtay in muhiim u yahay Shirkaa oo 64 Dal ka soo qayb galayaan.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo gaartay maalintii shalay Dalka Kuwait ayaa sheegtay in ay rajaynayso in inta ay joogto la kulmi doonto Madaxda Dalalka Carabta iyo kuwa Africa iyada oo kala hadli doonto xariirka labada dhinac iyo sida loo xoojin lahaa.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa lagu wadaa in uu asna gaaro dalka Kuwait halkaa oo kaga qayb gali doono Shirkaa Madaxda Carabta iyo kuwa Africa asaga oo matalaya Madaxwayne Xasan sheekh Maxamuud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com