Nairobi(AGGM) Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka madaxda dawlada u dhexeya kaasi oo ku aadan muranka siyaasadeed ee madaxda dawlada u dhexeya,waxaana uu shaaca ka qaaday inusan Xasan Shiikh Awood u lahayn inuu Raisalwasaraha ku dhaho is casil.
Caydiid Ilko Xanaf waxaa uu shaaciyey inuu Madaxweynuhu xaq u leeyahay soo magacaabidda Raisalwasaraha balse uusan awood u lahayn inuu ku dhaho is casil,waxaana uu daboolka ka qaaday inuu Raisalwasaaruhu ka awood badan yahay Madaxweynaha.
Ugu dambeyntii waxaa uu shaaciyey Gudoomiyaha Maxkamadda Sare inuu Madaxweynuhu uusan awood u lahayn inuu Raisalwasaaraha xilka ka qaado isla markaasna uu isa siiyo awood uusan lahayn,waxaana uu ugu baaqay inuu madaxweynuhu dastuurka dib u raaco isla markaasna uu akhristo waxa ku qoran.
Halkan Ka Daawo:
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com