Garoowe (AGGM): Labo diyaaradood oo gargaar sida oo laga kala leeyahay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Gargaarka oo gaaraya 23 tan oo isugu jira daawo, dhar iyo cunto ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay waxyeellaysay duufaanta ku dhufatay deegaanno hoos taga maamulka Puntland.
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland Cabdullaahi Jaamac Ilkajiir oo shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Garoowe ayaa dowladda Jabuuti uga mahadceliyay gargaarka ay soo gaarsiisay dadka ay musiibadu saamaysay.
Dhanka kale, gurmadka ka yimid dalka Itoobiya oo saarnaa diyaarad milatari, wuxuu ahaa 5 tan, waxaana wehliyay injineero qiimeyn ku sameyn doona waddada ay goysay duufaanta, maadaama Itoobiya ay sheegtay in ay ka qeyb qaadanayso dhismaha waddada sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Ilkojiir.
Gargaarkan ayaa noqonaya kii u horreeyay ee ka yimid beesha caalamka, marka laga reebo diyaarado yaryar oo ay hay’adaha samafalka gargaar ku geeyaan Garoowe.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com