Kismaayo(AGGM)Al-Shabaab ayaa dib ula wareegtay Jaziirada Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo maalmo ka hor ay la wareegeen Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Ciidamada Kenya ee ka midka ah Amisom,Waxaana la sheegay inay halkaasi ka baxeen ciidamadii Maleeshiyaadka Raaskambooni & Kiiniya markii ay dareem culeys dhinaca Alshabab ah.
Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in deegaanka Kudhaa ay si nabadgelyo ah kula wareegeen, kadib markii ay ka carareen ciidankii Axmed Madoobe sida uu yiri.
Abuu Muscab ayaa sheegay in deegaanka ay ka heleen hub iyo saanad ay ka tageen ciidamadii qabsaday, isagoo tilmaamay in deegaanka ay si buuxda ay gacanta ugu hayaan.
“Ciidamadii Axmed Madoobe iyo kuwii Kenyanka ahaa waa ka carareen, deegaanka waxay uga tageen hub fud fudud, waxaa hada ku sugan mujaahidiinta oo wata gaadiidkooda dagaalka ah”ayuu yiri Abuu Muscab.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka KMG ah ee Jubba, waxaana ciidamadii horay deegaankan dagaalka ugu qabsaday ay dib ugu laabteen deegaanada ay horay ka soo duulaan tageen.
Deegaanka Kudhaa ayaa dhowr jeer oo horay labada dhinac ay kala qabsadeen, iyadoo aanay aheyn markii u horeysay oo Al-Shabaab dib ula wareegto deegaanka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com