Danjiraha Ingiriiska u fadhiya Q,M Mark Lyall Grant oo wariyaasha kula hadlay magaalada New York ayaa tilaabo wax ter leh ku tilmaamay go’aanka golaha amaanku ku kordhiyay tirada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.
Danjire Mark Grant waxaa uu xusay in tilabaadaan ay keeni karayso in ciidamada AMISOM awood u yeeshaan u dhaqaaqida goobaha Shabab ka maamulo Soomaaliya isla markaana ay ka hor tagaan weerarada ay Xarakadda Al-Shabab ka geystaan Soomaaliya.
“Go’aankaa n waxaa uu keeni doonaa in ciidamada AMISOM ay horey dhaqaaqaan oo ay Al-Shabab meelo badan kula dagaalamaan runtii sidaasna waanba ku dhiiri galinayaa” ayuu yiri Mark Lyall Grant oo ah safiirka Ingriiska ee Q,M waxaana uu intaa ku daray in qaraarka golaha amaanka uu xataa waxtar u leeyahay dadka ku nool goobaha ay Shababku ka taliyaan.
Golaha amaan ee JMQ ayaa xalay go’aamiyay in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga lana gaarsiiyo 22,126 askari waxaana goluhu isku raacay in waqtiga ciidamada AMISOM ay Soomaaliya joogayaan illaa gaaro dabayaaqayada bisha October sanadka dambe ee 2014. .